Zubizarreta: David Villa meelna ugama socdo Barcelona.

Agaasimaha Kubada Cagta kooxda Barcelona Andoni Zubizarreta ayaa gaashaanka ku dhuftay wararka sheegaya inuu weeraryahan David Villa kooxda isaga tegi doono inta lagu jiro bisha Janaayo ee uu suuqa kala iibsigu furan yahay.

31-jirkaan heerka caalami ee dalka Spain ayaa shaki ku xeyn daabnaa booskiisa weerarka Barcelona ka dib markii uu lugta ka jabay xilli uu lix bilood garoomada ka maqnaa xilli ciyaareedkii hore, waxaana haatan lala xiriirinaayey inuu ka tago Catalans, Arsenal ayaana si qoto dheer isha ugu heysay.

Si kastaba, Zubizarreta ayaa meesha ka saaray inuu Villa kooxda ka dhaqaaqo wuxuuna sheegay inuu weli fure u yahay kooxda Blaugrana.

“Inta lagu guda jiro bisha Janaayo waan ceshan doonaa Villa,” ayuu Agaasimaha kubada cagta Barca u sheegay Canal Plus.

“Waxaana xusid mudan inaysan Barcelona qorsheyneyn inay aqbasho dalabyada u imaanaya xidigahooda inta lagu jiro Janaayo.

“David waa ciyaaryahan kooxda goolal u keeni karaaya wuxuuna awood ku leeyahay kooxda.

“Hada wuxuu kazoo kabsaday dhaawacyo tixane ahaa waxaan aaminsanahay inuu wax fiican ka sameeyo garoonka dhexdiisa.”

Villa ayaa Barcelona 2010kii kaga soo biiray Valencia, waxayna markaas kusoo iibsatay 40 milyan oo euro ka dib markii uu shan sano oo guulo uu u riyaaqay ku qaatau Mastela Stadium.