Saddex dal oo Soomaaliya usoo diraya ciidamo ka madax-banaan howlgalka ATMIS

Muqdisho (Caasimada Online) – Saddexda dal ee deriska la ah Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay soo diraan ciidamo taageeraya dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxaa sidaas shaacisay madaxtooyada Soomaaliya.  

Xuseen Sheekh Cali, oo ah La-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya, ayaa wareysi uu siiyey VOA, ku sheegay in Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya ay ciidamo dheeraad ah kusoo dari doonaan ciidamada horey dalka ugu sugnaa ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS.

Waxa uu sheegay in ciidanka cusub aysan qeyb ka noqon doonin ATMIS.  

“Qorshahooda waa inay Soomaaliya ku yimaadaan sideed toddobaad gudahood,” ayuu yiri. 

Xuseen Sheekh Cali waa uu diiday inuu shaaciyo tirada ciidamada imanaya, sababo la xiriira “hadafka howlgalka.”  

“Kaalintooda waa inay si wadajir ah u qorsheeyaan uguna howlgalaan taliska ciidamada amniga Soomaaliya,” ayuu yiri “Sidaas darteed, waxay la dagaalami doonaan Al-Shabaab, ayaga oo garab taagan ciidamada Soomaaliya. Waa sidaas qorshaha.” 

Hoggaamiyayaasha saddexda dal ayaa 1-dii Febraaya ka qeyb-galay kulan madaxeed uu Muqdisho ku marti-geliyey madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. 

War-murtiyeed kasoo baxay kulankaas ayey ku sheegeen inay isku raaceen inay si wadajir ah u qorsheeyaan una abaabulaan olole howlgal “oo lagu raadinayo laguna burburinayo” Al-Shabaab, kaasi oo ah dhowr jiho.

“Ololahan waqtiga xasaasiga ah wuxuu ka hortagi doonaan in canaasiirta kooxda ay ku faafaan gobolka,’ ayaa lagu yiri war-murtiyeedka. 

Matt Bryden, oo ah khabiir amniga Geeska Afrika ah ayaa sheegay in ciidamada dheeraadka ah, ee aan qeybta ka aheyn ATMIS “ay dedejin karaan dadaalalda lagu wiiqayo loogana adkaanayo” Al-Shabaab.”

“Tan iyo markii dowladda federaalka iyo saaxiibadeeda ay ku dhowaaqeen damacooda, Al-Shabaab waxay u badan tahay inay kala dirtay dagaal-yahannadeeda si ay uga fogaato dagaal militari oo toos ah,” ayuu yiri. 

Bryden ayaa ka digay in guusha wejiga labaad ee duulaanka ay ku xirnaan doonto laba arrin oo muhiim ah. 

“Kan koowaad waa qorsheyn,” ayuu yiri  

“Howlgallada ka hortagga argagixisada waa inay noqdeen kuwa ay sirdoonka hoggaamiyaan oo leh ujeedooyin cad, sida burburinta saldhigyada la yaqaan ee Al-Shabaab iyo dilka hoggaamiyayaasha sare.”

Arirnta labaad ayuu ku sheegay in la helo ciidamo xaqiijiya oo gacanta ku haya deegaanada laga qabsado kooxda, ayuu yiri. 

“Howlgalladii ugu dambeeyey ee dowladda ee ka dhanka ahaa Al-Shabaab ee gobollada dhexe, waxay muujiyeen maqnaanshaha ciidamada awood u leh inay sii hayaan deegaanada,” ayuu yir Bryden.