Daawo: Xildhibaankii kusoo baxay HOP86 oo si kulul ugu jawaabay musharaxiintii kale

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Sheekh Axmed Maxamed oo maalmo ka hor kusoo baxay Kursiga Hop086 ee horay loogu diiday Fahad Yaasiin ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xiisadda hareysay kursigaas oo weli ah mid taagan.

Xildhibaanka oo xalay ka hadlay munaasabad ballaaran oo loogu sameeyay Muqdisho ayaa ka hadlay eedaha uga imaanaya dhanka musharixiintii laga hor istaagay kursigaas, kuwaas oo uu kamid yahay agaasimihii hore ee warfaafinta madaxtooyada, Cabdinuur Maxamed.

Isaga oo u jawaabayay musharixiinta doorashadiisa cabashada ka keentay ayaa weerarka ku qaaday, wuxuuna tilmaamay in tallaabada ay qaadeen aan looga baran reer Aw-Xasan.

“Soomaalida waxay la yaaban yihiin dad reer Aw-Xasan ah oo qeel qeelinaya inay jiraan, laakiin reer Aw-Xasan-ka qaarbaa baqtinaya oo ay hadda nafta ka dhaceyso,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in raggaas ay yihiin, kuwa kasoo horjeedo danaha beesha iyo hormarkeeda, sida uu hadalka u dhigay.

“Reer Aw-Xasan-ka qaar badan oo kamid ah far baa uga laaban,” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyay xildhibaanku.

Dhanka kale waxa uu ka hadlay wax-qabadkiisa, isaga oo tilmaamay in qiimaha dadka reer Aw-Xasan uu yahay inay ka shaqeeyaan danta guud, taasna uu kusii dadaali doono.

“Qiimaha ay dadka reer Aw-Xasan-ka leeyihiin waxa ay tahay inay danta guud ka shaqeeyaan oo waxaa guud ay anfacaan haddii aan marka wax gooni ah idin siin waayo afeeftaa hore ayaan sii hormarsanayaa,” ayuu markale yiri Xildhibaan Maxamed.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli ay cabanayaan musharixiinta kursiga HOP06, kuwaas oo dacwad culus u gudbiyay maxkamadda sare, balse aan weli waxba laga qaban.