Sawirro: Aadan Madoobe iyo Hanafy El Gebaly oo kulan muhiima ku yeeshay Qaahira

Qaahira (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminayo oo weli ku sugan magaalada Qaahira ayaa kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa dalka Masar Mudane Dr. Hanafy El Gebaly.

Kulanka oo ka dhacay xarunta baarlamaanka magaalada Qaahira ayaa waxaa looga wada-hadlay xoojinta xirirka dheer ee ka dhaxeeya labada dal iyo baarlamaanadooda.

Kulankan oo muhiim u ah labada baarlamaan ee Soomaaliya iyo Masar ayaa waxaa la isku af gartay in macaahida Masar ay ka helaan aqoon kororsi xildhibaannada iyo howl-wadeennada Golaha Shacabka si loo dhiso xirfada shaqaalaha.

Waxaa sidoo kale kulanka la isla gartay in la dhiso guddi saaxiibtinimo labada baarlamaan ee Soomaliya iyo Masar, iyadoo labada Xog-haye la faray ineey Ka shaqeeyaan dhaqan-gelinta qodobada la isku afgartay.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay sidii dowlada federaalka Soomaaliya gacan looga siin lahaa sugida amniga iyo la-dagaalanka kooxaha argagixisada.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Madoobe iyo wafdiga uu hoggaaminaayo ayaa Arbacadii gelinkii dambe gaaray magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar.