Sawiro: Sheekh Maxamed Shaakir oo loo saxiixay inuu noqdo Ra’isulwasaaraha Galmudug

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Warfaafinta dowladda Soomaaliya Abdirahman Omar Osman ayaa sheegay inay Ahlu Sunna iyo Galmudug wada saxiixdeen heshiis rasmi ah.

Waxaa hada Hoolka shirarka ee Madaxtooyada Villa Soomaaliya ka socda Munaasabad lagu saxiixayo Dhameystirka Heshiiska Ahlsuna iyo Galmudug.

Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ah Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Wasiirka Arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada.

Heshiiskaas oo ka dhacay Madaxtooyada Villa Somalia ayaa waxaa goobjoog ka ahaa oo dhiniciisa ka saxiixay Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Cabdi Faarax Saciid Juxa.

Wasiirka Warfaafinta Dowladda Soomaaliya Eng. Yariisow ayaa boggiisa Facebook kusoo qoray in Sheekh Maxamed Shaakir loo saxiixay inuu noqdo Wasiirka Koowaad ee  Maamulka Galmudug taasoo ka dhigan inay Galmudug noqon doonto Maamul Goboleedkii ugu horreeyey ee yeesho Ra’isulwasaaraha ama Wasiirka koowaad ee Golaha Wasiirada.

heshiiska ay kala saxiixdeen labada hoggaamiye oo dhameystiran waxaan idiin soo gudbin doonaa Daqiiqadaha soo socdo Inshaa Allah