Fahad Yaasiin: Barashaa kuugu dhiman!  

Soomaalida waxay Tiraahdaa “Ruux aad Barashadiisa Rabtid Jabad la Xaaro, Jadiin la Cun ama Jid la mar”  sida darteed murtidaan waxay Tilmaameysa sida  baniaadamka lagu ogaan karo Dabeecadihiisa  Xumaan iyo Samaan markaad la Daristo, Safar wada gashaan, ama Cunto Wadaagtaan  sida darteed Maalin uun la wadaag in aad Wada shaqeysaan Fahad Yaasiin markaas baa wax badan ogaan doontaa.

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo aan soo wada shaqeyney Xiligii uu Warbaahinta ka tirsanaa muddo dheer ayuu wax ka qorayey Xaaladda Soomaaliya weliba Qoraaladiisa waxaa hadda laga helaa Baraha Bulshada, Akhrintoodana kama dhergeysid qaarkood sidii uu u saadaaliyey ayeynoqdeen  haddii  aad Dib u Milicsatid Dhamaatood waxay Tilmaamayaan  Qormooyinkiisa  kuwa u adeegaya Bulshada Soomaaliyeed waxaan aad ugu xasuustaa Qormadii laga daba dhacay ee uu qorey Sannadkii 2004 ee Cinwaankeedu ahaa “I DOORO AAN KU DILEE” waa Xiligii Doorashadii Madaxweyne ee ka dhacadey dalka Kenya, Qoraalkaas saadaashiisii waa ay soo baxdey.

Qoraalada kale ee aan ku Xasuusto Fahad Yaasiin waxaa ka mid ahaa Qoraaladii uu ku taageerayey Samzam Axmed  Ducaale oo ah Gabar Soomaaliyeed oo lagu xirey Somaliland wuxuuna Qoramadii uu ka qorey ugu magacdarey “ XAALADDA SAMSAM IYO DAMIIRKA SHACABKA SOOMAALILAND” Qoraalada kale ee aan Xasuusteyda ka go’in  ee aadka ii soo jiitey waxaa ka mid ahaa  mid uu ugu magacdarey “SHACABKA SOOMAALIYEED: RABBI AYAA U MAQAN EE RAG UMA MAQNA”

Waxaa kaloo  ka mid ah Qoraalada Fahad Yaasiin ee uu qorey mid  uu ku amaanayey Madaxweynaha jabuuti oo uu ugu Magacdarey mar uu la dardaarmayey Shacabka Jabuuti  “REER JABUUTI: SHANTAAN QODOB HAKU DOORTEEN GEELLE” Isago Tilmaamayey Wanaaga Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele

Ma yara Qaraalada ee uu qorey Qoraaga Fahad Yaasiin  haatana ah Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Soomaaliya  waxaa iyana aan dhowr jeer ku noq noqdey Akhrinteeda Qormo uu ugu Magacdarey  “BEENTU TABAR DARANAA QOFKEEDUNA TAYO XUMAA. Waa Qormo markaad akhriso aad dareemeyso sida ay ay u gaabiso Beenta iyo sida ay u Xun yihiin kuwa mar waliba ku dhaqma waxayna ka Tarjumeysa  xaalada maanta ka jirta Baraha Bulshada.

Qormooyinka kale ee aan aad u Jecleystey ee uu qorey Fahad Yaasiin waxaa ka mid ah Qormo uu Cinwaan uga dhigey “ AAN OOYEE ALBAABKA II XIRA” waxay ka Turjumeysa sida ay  u dhibeyso Dhibaatada Ummada Soomaaliyeed oo muddo dheer ku soo jirey Dagaalo iyo Dhibaatooyinka kale waana qormo uu Bulshada  wax uga sheegayo.

Fahad Yaasiin  oo dhawaan Siyaasada ku soo biirey markaad Akhriso Qoraaladiisa   Faraha badan waxaa kuu soo baxaya sida uu yahay, isla markaana uu Miisaan Culus u Leeyahay sidaa darteed waxaan aad uga amaanayaa Siyaasada Degen ee Qunyar Socodnimada ee aan Qofna ka Xanaajineyn,  Xilkasnimada, Degenaanta, Aaamusnaanta,Gacan siinta  Bulshada Soomaaliyeed waxaana  leeyahay Dadka  Aflagaadeed Fahad  Yaasiin  in  ay ka waantoobaan maadaama uu leeyahay dabeecadahaas aan kor ku soo sheegney Soomaalida waxay Tiraahdaa “BARASHO HORTEED HA I NICIN”

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Tel 00252615532494

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid