Sarkaal ka tirsan Nabadsugida & Ilaaladiisa oo goordhow lagu weeraray Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in kooxo ku hubeysnaa hub kala ceyn ah ay weerar ku qaaden Taliyaha Nabadsugida Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Taliyaha weerarka lagu qaaday ayaa magaciisa lagu sheegay Liiban Shidane, waxaana la xaqiijiyay in xiliga uu weerarka dhacaayay uu maraayay xaafada nasiib buundo ee Degmada Shibis.

Weerarka ayaa la xaqiijiyay inay qaaden Kooxo ku hubeysnaa Hub kala nooc ah oo wadada u galay Taliyaha xili uu la socday gaari uu isaga lahaa iyo ilaaladiisa.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Taliyaha uu ka badbaaday weerarka, halka khasaaraha xoogiisa uu soo gaaray ilaalo la soctay Taliyaha, sida laga soo xigtay Sarkaal ka tirsan Booliska Degmada Kaaran.

Ilaalada ku dhaawacantay weerarka aya iminka la dhigay goobaha caafimaadka, waxaana goobta ka baxsaday Kooxihii falka geystay oo ku labisnaa dharka ciidamada Militeriga isla markaana la socday gaari raaxo.

Ma jirto cid weli ka hadashay weerarkan oo goordhow dhacay waxaana goobta weerarka ku sugan ciidamo farabadan oo ka tirsan dowlada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com