Xil. Cosoble oo si kulul uga hadlay Go’aankii Guddoonka Baarlamaanka ee Maqaamka Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha shacabka baarlamaanka Federaalka ah ee Somalia Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali, ayaa si kulul uga hadlay go’aanka uu Guddoonka Sare ee baarlamaanka ku gooyay arrinta Maqaamka Gobolka Banadir.

Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali, ayaa sheegay in go’aanka Guddoonka baarlamaanka uu yahay mid khaldan isla markaana uu sharciga ahaa in Guddoonka uu arrinta Maqaamka Gobolka kala tashto Guddiyada joogtada oo matali kara Golaha Guud, muddada fasaxa lagu jiro.

Xildhibaan Cosoble waxa uu sheegay in Guddoonka baarlamaanka Somalia uu ku degdegay dhinac u ridida Maqaamka Gobolka Banaadir, waxa uuna arrin fool xun ku sheegay in Guddoonka kaligood ay gaaran go’aan aan lala qabin.

Waxa uu Xildhibaanka sheegay inaanu suuragal noqonkarin in Guddoonka uu kaligii xukmiyo arrinta Maqaamka Gobolka, waxa uuna sharciga ku sheegay inuu yahay in latashi lala sameeyo Guddiyada joogtada, sida uu hadalka u dhigay.

Nuqul kamid ah haddalka Xildhibaan Cosoble ayaa ahaa ‘’Waa arrin anigu ila khaldan in Guddoonka baarlamaanka uu keligii gaaro go’aanka maqaamka Gobolka, waxa ay aheyd in lala tashto Guddiyada sharci ahaan xaqa u leh in arrinta noocaan ah lagala tashto’’

Sidoo kale, waxa uu Cosoble sheegay in arrinta khilaafka Gobolka ay mudan tahay in lagu xaliyo wadahadal, haddii taa la waayana lagu hirgaliyo sifo sharci ah.

Haddalka Xildhibaan Cosoble ayaa u muuqda mid lagu sii kicinaayo xiisada ka taagan maqaamka Gobolka ee aan weli leysku raacin.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com