Taabit oo caawa si aan laga fileynin uga hadlay xil ka qaadista lagu sameeyay + Akhriso

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahaana Duqii Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa caawa ka hadlay xilka qaadistii lagu sameeyay.

Thaabit ayaa marka hore sheegay inuu aqbalay xilka qaadistii xalay uu saakay ku sameeyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C.laahi Maxamed Farmaajo, si nabad ahna uu xilka u wareejiyo, uuna magacaabi doono guddi ka shaqeeya Munaasabadda xil wareejinta.

Wuxuu sheegay khilaafka beryahan taagnaa inuu ka dhashay laba arrimood oo kala ah xasiloonida iyo nabadgelyada Gobolka Banaadir iyo shirka wadatashiga Nabadeynta iyo horumarinta gobolka Banaadir oo looga hadli lahaa maqaamka Muqdisho.

 Sidoo kale, Thaabit ayaa Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Eng. Yariisow ugu hambalyeeyay xilka cusub, wuxuuna ku baaqay in xayiraadda laga qaado xarunta Aqalka Dowladda Hoose, isaga oo shacabka ka dalbaday inay ka shaqeeyaan nabadgelyada.