Maxaa u sabab ah in Xarunta Dowladda Hoose ee Muqdisho ay weli sii xirnaato

Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamoka tirsan dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa weli gacanta ku haya Xarunta dowladda Hoose ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamadan ayaa si rasmi ah ula wareegay  xarunta Habeenimadii xalay, waxaana meesha laga saaray ciidamadii hore ee halkaa uu ku beeray Guddoomiyaha xilkiisa waayay Taabid.

Ciidamada iminka gacanta ku haya xarunta ayaa isugu jira Nabadsugida iyo kuwa Koofi casta ee ilaalada ka ah xarunta Villa Somalia, halka Booliska ay amniga ka maamulayaan banaanka sare.

Ciidamada ayaa weli diidan in gudaha xarunta ay galaan xitaa shaqaalaha dowlada hoose, waxaana lagu amray in xarunta ay sii xirnaato muddo Seddex cisho oo hadda dhiman.

Dadka reer Muqdisho ee adeegyadda ka rabay xarunta iyo dadka shaqeysta xarunta dowladda Hoose ee Muqdisho ayaa saakay kusoo baraarugay iyadoo lagu jaray gawaarida dagaalka waddooyinka laga galo.

Sababta ay Ciidamadan u xireen xarunta ayaa ah inaan  gudaha Xarunta laga saarin Dukumiintiyo uu leeyahay Qaranka ka hor inta aanu dhicin xil wareejinta maamulkii hore iyo maamulka cusub.

Dhinaca kale, Arrintaan ayaa kusoo beegmeysa xilli Madaxweyne Farmaajo uu saakay Magacaabay maamulka gobolka Banaadir sidoo kalena uu xilka ka qaaday , kuwii hore.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com