Isku-Shaandheyn Lafilayo in lagu Sameynayo Golaha Wasiirada Iyo Shirar Ka Socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha

Muqdisho-(Caasimadda Online)-Qorashaha ku saabsan isku-shandheynta Golaha Wasiirada iyo Magacaabista kuwo kale ayaa laga dareemaya Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre sida ila wareedyo uxaqiijineen Caasimadda Online .

Kulamo joogta ah oo ka socda Madaxtooyada Soomaaliya, gaar ahaan Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa lagu wadaa in isku shaadhayn lagu sameeyo Wasiiradiisa, waxaana suurta gal ah in qaar ka mid ah aysan ku soo laaban Saaxada Siyaasadda ee Xukumadda khayrre.

Xogaha ay heleyso Caasimadda Online  ayaa y sheegaya in Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ay ka socdaan kulamo xasaasi ah kuwaas oo looga arinsanayo isku-shaandyentaas ka hor Ra’iisul Wasaare Kheyre oo la filayo in uu dalka Dibadiisa aado.

Ra’iisal Wasaare Khyrre ayaa isku dayaya in uu xakameeyo Wasiirada xariirka la leh siyaasiinta iyo Xildhibaanada Mucaaradka ku ah Xukumaddiisa, waxaana Wasiirada qaar la sheegay in ay Xilkooda ku weyn doonaan sidii ay uga fal celiyeen weerarkii ay Dowladda ku qaaday Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame, Guddoomiye Taabid iyo Khilaafka Ra’iisal Wasaare Khayrre ayaa sidoo kale ka soo bilaawday Xeragii C/raxmaan C/shakuur oo ay raali gilin ka bixiyeen isaga iyo Wasiirka amniga.

Isku-shaandheyntaan ayaa waxa ay saameyn doontaa Wasiiro hadda xilal haya oo ay macquul tahay in ay meesha ka baxaan halka ay ka soo muuqan doonaan musharixiintii Madaxweyne Farmaajo kula tartantay doorashadii Madaxtinimada Soomaliya 8-dii Bishii Febarayo ee Sanadkii 2017.

Xubnaha la magacabayo ayaa la sheegay in uu ka soo dhaxmuuqan doono mid ka mid ah Murashaxiintii la soo tartantay Madaxweynaha Soomaaliya inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in xilkaasi magacaabistiisa ay ku xiran tahay magacaabista taliyaasha amaanka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa la sameyn doonaa Magacaabista taliyayaasha Booliska iyo Nabad-Sugida oo ku xiran Isku-Shaandheynta Golaha Wasiirada maadaama laga yaabo in ay u saameyso habka awood qeybsiga Beelaha.

Isku-Shaandheyntaan la filayo ayaa waxa ay imaaneysaa xili Magaalada Muqdisho ay ka taagan tahay xiisad Siyaasadeed oo ka dhalatay xilka qaadista Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahaana duqa muqdisho Taabit Cabdi Maxamed.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com