25.9 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Taliyihii booliiska DFS oo geeriyooday

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Allaha u naxariirstee uu maanta magaalada Muqdisho ku geeriyooday, taliyihii ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil.

Taliyaha ayaa waxa uu u geeriyooday xanuun awgiis, gaar ahaan wadna xanuun si deg deg ah ugu soo booday, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ay u sheegeen Caasimada Online.

Wixii warar dheeraad ah oo aan helno waan idiin soon gudbin doonnaa insha Allah.

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xassan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Abu Dhabi ee dalka isku taga imaaraadka Carabta ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii naxdinta laheyd ee ku timid allaha u naxariistee Gen.Maxamed Sheekh Xassan Ismaaciil.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa ummadda Soomaaliyeed,Ciidanka Booliska iyo ehelkiisaba uga tacsiyadeeyay geerida taliyaha isagoo xusay in Generaalku ahaa wadani muujiyay karti iyo howlkarnimo muddada kooban ee uu xilkan hayay.

Mudane Xassan Sheekh Maxamuud waxa uu ku tilmaamay allaha u naxariistee Generaal Maxamed Sheekh Xassan nin waqti badan oo noloshiisa ka mid ah ku bixiyay sidii ay amni iyo kala dambeyn u heli lahaayeen dadka iyo dalka Soomaaliyeed taasoo ugu dambeyn isagoo ummadiisa u adeegayo uu alle oofsaday.

Allaha u Naxariistee Gen.Maxamed Sheekh Xassan Ismaaciil oo mudo kooban hayay xilka taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa wax badan ka qabtay sugida amniga iyadoo aas Qaran loogu sameyn doono magaalada Muqdisho.

  إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعونَ‎

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News