Hoobiyeyaal lagu garaacay agagaarka Villa Somalia

Muqdisho (Casimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya tiro hoobiyeyaal ah oo goor sii horeysay oo maanta ah lagu garaacay agagaarka dhismaha xarunta madaxtooyada Soomaaliya, kuwaas oo si weyn looga dareemay gudaha caasimada.

Illaa 4 hoobiye ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhaceen xaafado ku dhow dhismaha xarunta Villa Soonaaliya, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan oo kusoo aaday, xilli ay xiran yihiin waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqisho.

Ciidamada ammaanka ayaa ku sugan jidadka, kuwaas oo loo keenay inay xaqiijiyaan amniga caasimada oo uu maanta ka dhacayo shirweyne caalami ah.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah aya waxaa ka qaybgalaya madaxweynaha dalka Kenya, madaxweynaha dalka Jabuuti iyo ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya oo la filayo in saacadaha soo socda ay soo gaaraan magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Madaxdan oo kamid ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayaa ka shiraya amniga gobolka iyo dagaalka Al-Shanaab.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan weerarka maanta ka dhacay Muqdisho.

Si kastaba weerarkan hoobiyeyaasha oo la rumeysan yahay inay ka dambeyso kooxda Al-Shabaab ayaa ah mid lagu qalqal-gelinayo amniga, maadaama caasimada ay la ciir ciireyso wufuud kala duwan oo caalami ah.

Todobadkii hore ayaa weerar kan lamid ahaa lagu qaadag agagaarka xarunta madaxtooyada, kaas oo ay waxyeelo ka soo gaartay dad shacab ah oo daganaa degmooyinka Xamarweyne iyo sidoo kale Warta Nabadda ee gobolka Banaadir.