Ukraine oo markab dagaal ka burburisay Ruushka

Moscow (Caasimada Online) – Ukraine ayaa weerartay mid kamid ah maraakiibta Ruushka, kaasi oo lagu weeraray badda madow, sida uu xaqiijiyay Ruushka.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in uu burburay markabka ay weerarka ku qaaday Ukraine.

Wasaaradda difaaca Ruushka oo ka hadashay weerarka ayaa sheegtay in markabka weyn ee Novocherkassk ay diyaaradaha Ukraine ku weerareen gantaalo la hagayay.

Weerarka ayaa habeenkii Isniinta lagu qaaday dekedda Feodosia ee Crimea oo Ruushku uu horey u qabsaday.

Hal qof ayaa ku dhintay weerarkan, sida laga soo xigtay Sergei Aksyonov, oo ah guddoomiyaha gobolka Crimea ee Ruushka.