Wasiiradii ugu badnaa xukuumadda Somaliland oo goordhow is-casilay (Magacyada + Sawirrada)

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow naga soo gaaray Magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Somaliland ayaa sheegaya in Wasiiro ka tirsan Maamulkaasi ay iska Casileen Xilkooda Wasiirnimo.

Xubnaha is casilay ayaa waxaa ku jira wasiirkii madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali Xasan, wasiirka arrimaha dibedada Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Caddaaladda iyo Garsoorka Axmed Xuseene Caydiid iyo wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Cabdi Aw-daahir oo dhamaantooda Saaxiibo dhow dhow la ah Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Wararku waxa ay intaa kusii dareen in Wasiirada Is casishay uu kamid yihay wasiir ku xigeennada bulshada iyo dib u dejinta iyo wasiir ku xigeenka deganaka.

Somaliland_Wasiirro_is_casilay_660
Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in sidoo kale, uu xilka iska casilay afhayeenkii madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul iyo xubno kale oo aan inta lagu soo koobi Karin.

Dhanka kale, Is casilaada Wasiiradaani iyo Masuuliyiinta kale ayaa timid kadib markii Axmed Siilaanyo uu si cad ula saftay qaar kamid ah Xubnaha Xisbiga Kulmiye.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com