25 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Weerar ismiidaamin ah oo goor dhow ka dhacay Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in weerar ismiidaamin ah uu ka dhacay agagaarka wasaarada gaashaandhiga.

Weerarka ayaa ka dhacay agagaarka wasaarada gaashaandhiga, waxaana wararka ay sheegayaan in lala eegtay saraakiil ka tirsan ciidamada xooga dalka Soomaaliya.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkaasi ismiidaaminta ah, waxaana wararka ay sheegayaan in loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa ay ka buuxaan.

Maanta waxaa wasaarada gaashaandhiga ka dhacayay xaflad ay ka qeyb galeen saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidamada xooga dalka Soomaaliya, waxaana la ogeyn sababta qaraxa kusoo beegtay iyo qaabka loo qorsheeyay.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News