Maryan Qaasim oo qabatay shaqadii u horeysay ee loo magacaabay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Baydhabo ee gobolka Baay maanta gaaray wafdi ay hogaamineyso wasiirka Gargaarka iyo masiibooyinka qaranka oo ay ku jireen xubno ka socdo dowlada Qatar.

Maryan Qaasim ayaa wafdiga ay hogaamineysay markii ay tageen magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, waxay la kulmeen madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed iyo xubno kale oo maamulkaasi ka tirsan.

Wafdiga Dowladda Qatar ayaa halkaasi gaarsiiyay gargaarkii ugu horeeyay oo loogu talo galay shacabka ay saameynta ku yeesheen abaaraha ka jira Soomaaliya gaar ahaan deegaanada Koofur Galbeed.

Wafdiga ayaa sidoo kale tagay xerooyin ay degen yihiin dadka barakayaasha ah oo ku taala magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, halkaasi oo loogu qeybiyay gargaarka ka yimid woaldda Qatar.

Gargaarkaasi ayaa ah mid dowladda Qatar ugu deeqday dowladda Soomaalliya, waxaana markii ugu horeysay la gaarsiiyay dadka ay sida aad ah u saameysay abaaraha sanadkaan dhacay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com