Xog-warran: Tuhun ka dhashay kulamadii safiirka imaaraadka ee madaxda DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii Jimcihii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho ee u dhaxeeya dowladda Soomaaliya madaxda ugu sareyso iyo safiirka Imaaraatka Carabta ayaa shaki badan abuuray.

Kulamada ayaa shakiga ugu badan wuxuu ka dhashay markii Imaaraatka Carabta uu kulamo gaargaar ah iyaga oo aan is ogeyn madaxda dalka la qaatay, waana qasabtay in shaki badan uu soo if baxo.

Safiirka Imaaraatka ayaa la kulmay ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha dalka iyaga oo aan isla wada joogin, waxaana loo qaatay inay jiraan qancin hoose oo madaxda ah, walow aan la ogeyn waxyaabaha ay isla garteen.

Arinta shakiga badan keentay ayaa ah in madaxweyne Farmaajo lagu casuumay magaalada Dubai ee dalka Isku taga Imaaraatka Carabta, iyadoo la doonayo in si gaar ah looga dhaadhiciyo heshiiskii Berbera iyo heshiiska dekada magaalada Boosaaso.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Imaaraatka uu doonayo in madaxda qaranka uu ka dhaadhiciyo sidii loo joojin lahaa mooshinka xildhibaanada baarlamaanka ay ka keeneen heshiiska dekada magaalada Berbera.

Imaaraatka ayaa doonaya inuu gooni gooni heshiisyada uu doonayo ula saxiixdaa maamul goboleedyada, taasi oo keeneysa inay wiiqanto awoodda dowladda dhexe, maadaama maamul goboleedyada ay saxiixaan heshiisyo loogu talo galay inay gasho dowladda Dhexe.

Shakiga ugu badan ee shacabka Soomaaliyeed ay qabaan ayaa ah in dhaqaalo lagu kala dilayo madaxda Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com