Weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in weerar ismiidaamin ah lala eegtay Kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen Saraakiil ka tirsan Dowladda Imaaraadka Carabta oo ay wehliyaan Saraakiil ka tirsaneyd Wasaarada Gaashaandhiga Somalia.

Weerarka oo ahaa mid ismiidaamin ah ayaa waxa uu ka dhacay Isgooyska Tarabuunka ee Magaalada Muqdisho Caasimadda Dalka Somalia.

Qaraxa ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac waxaana la tilmaamayaa in dhaawac uu soo gaaray Saraakiil ka tirsanaa Imaaraadka Carabta oo iyagu la galbinaayay.

Inta la xaqiijiyay ilaa Lix askari oo kamid ah Ciidamadii ilaalinayay wafdiga Imaaraadka ayaa la sheegayaa in uu dhaawac soo gaaray, iyadoona dhimashada lagu sheegay ilaa Shan askar.

Imaaraadka Carabta ayaa taageero siisa dowladda Federaalka, waxayna dhowaan ugu deeqday qalab milateri oo ay ku jiraan gaadiidka dagaalka, sidoo kale xero lagu tababaro ciidamada ayay dhowaan ka dhistay magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com