MAS’UUL ka tirsanaa madaxtooyada PUNTLAND oo XABSI ku muteystay isticmaalka FACEBOOK!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno Madaxtooyada Maamulka Puntland, ayaa sheegaya in ilaalada Madaxtooyada ay jeelka dhigeen Agaasimihii hore ee baratakoolka Madaxtooyada Puntland Xabiib Abshir Faarax.

Xabiib Abshir ayaa xabsi ku muteystay warqad is casilaad ah oo uu u diray Madaxweynaha Maamulkaasi C/weli Gaas.

Mr Xabiib ayaa ahaa madaxa Baratakoolka madaxweynaha Maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, waxaana lagala baxay guri uu ka degnaa magaalada Garowe.

Warar hoose oo ay heleyso Caasimada Online, ayaa sheegaya in Xabiib Abshir xiritaankiisa ka hor uu bartiisa Facebook kusoo daabacay warqadiisa is casilaada ah, isagoona intaa kadib warqadiisa qoraalka ahaa u gudbiyay Xafiiska C/weli Gaas.

Xabiib Abshir ayaa Maamulka Madaxtooyada Puntland ka tirsanaaya dacwado la xiriira howlihiisa shaqo, waxaana jira warar hoose oo sheegaya in C/weli Gaas uu damacsanaa inuu ku dul magacaabo Mas’uul kale.

Lama oga in lasii deyn doono Xabiib Abshir iyo inuu kusii jiri doono Xabsiga inkastoo wararka aan heleyno ay sheegayaan inuu socdo dadaalo dib loogu celinaayo xoriyadiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com