Shuruudo lagu xiray musharraxiinta GALMUDUG

Cadaado (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Galmudug oo maalintii shalay lagu dhaariyay magaalada Cadaado ayaa shaaciyay qorshaha cusub iyo qaababka ay kusoo dooranayaan madaxweynaha maamulka Galmudug yeelanayo.

Xildhibaan Maxamuud Aadan, oo kamid ah xildhibaanadii shalay lagu dhaariyay magaalada Cadaado ayaa sheegay iney ka fiirsan doonaan madaxweynaha cusub ee ay soo dooranayaan, maadaama sida uu sheegay loo baahan yahay madaxweyne hogaan wanaagsan leh.

Wuxuu si cad u sheegay ineysan madaxweynaha cusub kusoo dooran doonin dhaqaalaha uu heysto, laakiin ay si daacadnimo ah usoo dooran madaxweynaha maamulka Galmudug ee Mudug iyo Galgaduud.

“Anaga waxaan dhageysan doonnaa musharaxiinta khudbadahooda, mas’uul walba waxa uu soo bandhigi doonaa afkaartiisa, cidii aan u aragno in ay wax qabanayso ayaan u codeyn donna.” Ayuu yiri Xildhibaanka.

Xildhibaanka wuxuu sidoo kale sheegay iney si wanaagsan u dhageysan doonaan musharixiinta dooneysa xilka madaxweynaha maamulka Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com