Weerar lagu dilay mas’uul mid kalane lagu dhaawacay oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow la toogtay Xoghayihii Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir C/raxmaan Sheekh Axmed Calasow.

Xoghayaha ayaa waxaa toogasho ku dilay Kooxo ku hubeysnaa qoryo oo la socday Gaari waxaana la xaqiijiyay in goobta uu ku naf baxay Xoghayaha.

Kooxdaani ayaa waxa ay sidoo kale dhaawaceen Guddoomiye waaxeed ka tirsan Degmadaaas, sida uu xaqiijiyay Guddoomiyaha Degmadaas.

Axmed Cabdulle Afrax oo ah Guddoomiyaha Degmada Wadajir ayaa sheegay in weerarka lagu dilay Xoghayaha ay geysteen Kooxo hubeysan oo la socday Gaari.

Waxa uu Guddoomiyaha sheegay in kooxaha hubeysnaa ay sidoo kale dhaawaceen Guddoomiye Waaxeed, wuxuuna intaa ku daray inay baadi-goob ugu jiraan shaqsiyaadkii dilka u geystay Xoghayaha isla markaana dhaawacay Gudoomiye Waxeedka.

Xoghayaha iyo Guddoomiye Waaxeedka ayaa wada saarnaa hal gaari waxaana lagu horjaray Gaari kale, sidaasina lagu Rasaaseeyay.

Ciidamada Degmada iyo kuwo kale oo gurmad ah ayaa iminka baaritaan kawada Degmada waxaana xiran wadooyinka si loo qabto gaariga falka geystay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com