Xaakim heer Federaal ah oo amarka Trump hakiyay inta aanu dhaqangelin

Hawaii (Caasimadda Online) – Xaakim heer federaal ah oo ka shaqeeya gobolka Hawaii, ayaa si kumeelgaar ah u joojiyay mamnuucidda uu madaxweyne Trump saaray dadka ka yimaada 6 dal oo Muslim ah.


Amarka Trump oo dhaqangeli lahaa 7-da aroornimo saacadda geeska Afrika, ayaa waxaa dacwado ka dhan ah laga furay 7 gobol oo kala ah Washington, New York, Minnesota, Oregon, Massachusetts, Maryland iyo Hawaii.

Dadkan dacwadahan gudbiyay ayaa ku doodaya in amarkan uu hareer marsan yahay shuruucda federaalka Maraykanka ee ku aaddan soogalootiga.

Amarka ayaa dhigaya in muddo 90 cisho ah aan dal ku gal la siin karin muwaadhiniinta dalalka kala ah: Soomaaliya, Suuriya, Liibiya, Sudan, Yemen iyo Iran. Waxa uu sidoo kale muddo 120 cisho ah mamnuucayaa dhammaan qaxootiga.

Dalka Ciraaq oo todobo ku ahaa dalalkan ayaa liiska laga saaray, ka dib markii uu ogolaaday in muwaadhiniintiisa dooneysa in ay galaan Maraykanka lagu soo rogo baaritaan dheeraad ah.