Xamza oo xilalkii ka qaaday wasiiro iyo kuwa kalena magacaabay + Magacyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya oo maanta soo saaray wareegto cusub ayaa sameeyay xilka qaadis iyo magacaabis, taas oo saameysay laba wasiir oo kamid ahaa xukuumaddiisa, kuwaas oo xilalkii laga qaaday, waxaana loo magacaabay wasiiro cusub, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiskiisa.

Xildibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa loo magacaabay wasiirka beeraha iyo waraabka halka Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay) isna loo magacaabay wasiirka howlaha iyo iyo guryeynta, sida lagu sheegay wareegtada oo maanta soo baxday.

“Ra’iisul wasaaraha XJFS Mudane Xamza Cabdi Barre wuxuu saaka uu sameeyay magacaabis wasiiro cusub ee xubnaha golaha wasiirada” ayaa lagu yiri wareegtada.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay wareegtada ” Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre waxa uu magacaabay wasiirada soo socda:

1-Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) waxaa loo magacaabay wasiirka wasaaradda beeraha iyo waraabka iyo xukuumadda federaalka Soomaaliya.

2-Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay) ayaa waxaa loo magacaabay wasiirka howlaha iyo iyo guryeynta.

Ugu dambeyntii waxaa wareegtadan lagu sheegay in magacaabistan ay dhaqan-gashay maanta, kadib markii uu saxiixay ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya.

“Magacaabistan waxa ay dhaqan gashay saaka oo ay taariikhdu tahay 29-ka bisha Janaayo ee 2024-ka, kadib markii uu saxiixay ra’iisul wasaaraha XJFS” ayaa mar kale lagu yiri.

Tallaabadan ayaa kusoo aaday, ayada oo weli ay bannaan yihiin saddex jago oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah, wasaaradga amniga gudaha, tan dibadda iyo midda haweenka.