Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo maanta wareegto soo saaray ayaa xilalkii ka qaaday wasiirka howlaha guud, dib u dhiska iyo guriyeenta iyo wasiirka ganacsiga iyo warashadaha, isaga oo magacaabay xubno cusub oo ka mid noqonaya xukuumadda Dan-Qaran.
Wareegtadan ayaa waxaa lagu magacaabay Danjire Jamaal Maxamed Xasan oo loo dhiibay xilka wasiirka wasaaaradda ganacsiga iyo warashadaha. Jamaal ayaa xilkan lagu abaal-mariyay kadib tanaasulkii doorashada maamulka Waqooyi Bari, xilligaas oo uu codadkiisii ku wareejiyay Madaxweyne Cabdulqaadir Firdhiye oo ay wadatay kooxda Villa Soomaaliya.
Sidoo kale Xildhibaan Ayuub Yuusuf Ismaaciil ayaa isna maanta loo magacaabay wasiirka wasaaaradda howlaha guud, dib u dhiska iyo guriyeenta, sida lagu sheegay wareegtada.
“Magacaabistani waxa ay dhaqan-galeysaa marka uu saxiixo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waana uu saxiixay” ayaa lagu yiri digreetada.
Waxaa kale oo wasiirrada cusub ee la macaabay la faray inay deg-deg xilalka ula wareegaan, isla markaana ay la yimaadaan dadaal shaqo oo dheeri ah.
“Wasiirrada cusub waxaa la farayaa inay si deg-deg ah ula wareegaan xilalka, ayna gutaan howsha iyo waajibaadkoda” ayuu mar kale lau yiri warqadda.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ay jiri doonaan isbaddallo kale oo waa wayn oo dhacaya todobaadyada soo socda, waxaana la’isku shaandheyn doonaa dhawr wasaaradood oo muhiim ah.
Indhowaanahan Xamza ayaa waday isbeddallo waa wayn oo ku aadan xukuumadda Dan-Qaran, wuxuuna horay u magacaabay wasiiro cusub iyo agaasimeyaal guud, iyada oo tallaabooyinkan ay la xiriiraan isbeddallo waa wayn oo ay waddo xukuumadda oo dhawan saddex sano jirsatay, si loo dardargeliyo shaqadeeda.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale la yimid isla xisaabtan golaha wasiirada ah, isaga oo kormeer ku tegay dhowr xarumood oo muhiim ah, sida garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo cabasho ay kadib, balse la xalliyay iyo xarumo wasaaradeed oo ku yaalla caasimada oo uu ku tegay booqashooyin, si uu qiimeeyo shaqada ka socota.
Waxaa kale ra’iisul wasaaruhu xalliyay cabashooyin badan oo ka yimid wasaaradaha qaar oo shaqaaluhu ay kasoo cawdeen, isagoo toos u farogeliyay, waxna ka qabtay arrimahaasi.


