24.7 C
Mogadishu
Friday, January 23, 2026

Deni, Farmaajo iyo Khayre oo qoraal soo saaray kadib…

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland, Saciid Cabdullahi Deni, Madaxeynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare hore Xasan Cali Khayre ayaa war kasoo saaray geerida ku timid Allaha u naxariistee marxuum Jaamac Cali Jaamac oo ahaa Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Deni ayaa tacsi loogu diray qoyska marxuumka iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Puntland.

“Allaah ha u naxariisto Siyaasi Jaamac Cali Jaamac, Madaxweynihii hore ee Puntland oo caawa geeriyooday, Wuxuu ahaa masuul xilal kala duwan Soomaaliya iyo Puntland-ba kasoo qabtay, waxaan geeridiisa uga tacsiyeeynayaa Shacabweynaha Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada Puntlad , eheladii iyo qoyskii uu ka geeriyooday, Marxuumka Allaah Janadii ha geeyo inagana dhammaan Samir iyo Iimaan ha inaga siiyo, Aamiin” ayuu yiri Deni.

Farmaajo oo isna warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka tacsiyeeyay geerida marxuum Jaamac, oo ku dintay London, wuxuuna Alle uga baryay inuu waraabiyo Jannadii Firdowso.

Sidoo kale Farmaajo ayaa sheegay in marxuumka uu usoo shaqeeyay dalkiisa iyo dadkiisa, isla markaana uu soo qabtay xilala kala duwan.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay, Alle ha u naxariistee marxuum Jaamac Cali Jaamac oo ku geeriyooday magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Waxaa kale oo uu kusii daray “Marxuumka oo Madaxweyne ka soo noqday Puntland waxa uu muddo dheer u soo shaqeeyey ummadda Soomaaliyeed, isaga oo xilal kala duwan ka soo qabtay dawladdii dhexe”.

Dhankiisa Khayre oo dhammaan tacsi soo saaray ayaa isna yiri “Waxaan qoyskiisa, qaraabadiisa, shacabka iyo dowladda Puntland, iyo qaranka Soomaaliyeed uga tacsiyaynayaa geerida naxdinta leh ee haleeshay Madaxweynihii hore ee Puntland, Korneyl Jaamac Cali Jaamac oo ku geeriyooday dalka Ingiriiska”.

Korneyl Jaamac oo ka mid ahaa saraakiishii ciidanka xoogga dalka waxaANA UU burburkii kadib ka qeybqaatay dib-u-dhiska dalka iyo dib-u-heshiisiinta bulshada, isaga oo sidoo kale kaalin mug leh ka qaatay shirarkii dib-u-heshiisiinta bulshada, hirgelinta Jamhuuriyadda 3ᵃᵃᵈ ee Soomaaliya, iyo aasaaskii Puntland.

Sidoo kale wuxuu Alle ugu baryay in marxuumka uu siiyo naxariistii Janno “Waxaan Alle ka baryayaa in uu marxuumka ugu deeqo naxariistiisa janno, qabrigana u waasiciyo, samir iyo iimaanna naga wada siiyo”.

- Advertisement -

Read more

Local News