28.1 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Wariye guursaday gabar Xawadle ah oo lagu xiray Jowhar

Bookmark
Bookmarked

Share

Jowhar (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa xarig Jimcihii magaalada Jowhar loogu gaystay Wariye Shariif Shuuriye Xaashi oo kamid ah suxufiyiinta ka howlgala maamul-goboleedka HirShabellle, kaas oo sabab yaa leh loo xiray.

Shariif oo kasoo jeeda Beesha Jareerweyne ayaa xabsiga la dhigay, kadib markii uu guursaday gabar Xawaadle ah, sida ay sheegeen ehelladiisa iyo saaxibadiisa dhow.

Ciidamo ayaa la sheegay inay tageen gurigiisa, kadibna ay soo xireen, iyaga oo ku qasbay inuu furo gabadha, balse uu ka biyo diiday, taas oo keentay inuu xalay ku hoydo xabsiga.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta HirShabelle, Cabdishakuur Shaashaa oo ay isku beel yihiin Wariyaha ayaa cambaareeyay xariggiisa, wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay in hayb sooc dartiis loo beegsado muwaadin aan waxba galabsan.

“Waxaan aad uga xumahay in rag siyaasiyiin ah oo xil ka haya Hirshabelle kana soo jeeda Beesha Xawaadle ay horkacayaan xariga miskiinkan iyo marwadiisa loo geystay. Wariye Shariif Shuuriye Xaashi waxaa loo xeray sidee ayaad u guursan kartaa gabar Xawaadle ah adiga oo ah Jareer ah?, waxaase ayaan daro ah in dad Diin, Soomaalinimo iyo dhaqanba nala sheeganaya ay wali wadaan ficilo Faquuq ah.” ayuu ku qoraal uu soo saaray wasiirku.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Shariif maanta haddii uu ahaan lahaa Buuryaqab aan Soomaali eheen cid ku dhegnaan laheyd ma jirto balse isaga iyo xaaskiisa waxay xabsi ugu jiraan gabadha fur ama xabsi ayaad ku jireysaa”.

Shaashaa ayaa sidoo kale farriin u diray hoggaanka HirShabelle, wuxuuna ugu baaqay inay soo farageliyaan arrintaan, si looga hortago iska horkeenidda bulshada deegaanka.

“Waxaan Madaxweynaha Dowlada Hirshabelle Mudane Ali Gudlawe Hussein iyo Madaxweyne Kuxigeenka Dowlada Hirshabelle Mudane Yuusuf Hagar Dabageed aan ka codsanaya in arrinta Shariif ay soo faragaliyaan xaqana ay garab istaagaan lamaanahan isjecel ee isguursadayna ay badbaadooda qeyb ka noqdaan” ayuu mar kale yiri Shaashaa.

Arrintan ayaa dhalisy hadal-heyn xooggan, waxaana si aad ah loogu falanqeynayaa baraha bulshada, iyada oo inta badan dadka ay ka xumaadeen xarigga lagula dhaqaaqay wiilka.

- Advertisement -

Read more

Local News