25.9 C
Mogadishu
Saturday, January 24, 2026

Villa Somalia oo war kasoo saartay wada-hadal la sheegay in ay kula jirto Al-Shabaab

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) — Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan ka-hortagga fikradaha xagjirka ah ayaa si kulul u beeniyay wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya in Dowladda Federaalka ay wadahadallo qarsoodi ah kula jirto kooxda Al-Shabaab.  

Ergeyga ayaa ku tilmaamay wararkaas kuwo “been abuur ah” oo loogu talagalay in lagu marin-habaabiyo shacabka Soomaaliyeed.

Sheekh Aweys Maxamed Cumar ayaa caddeeyay in dowladda aysan marnaba wax wadahadal ah la gelin kooxdaas, qorshaheeda aysanna ku jirin inay la fariisato.  

Wararkan oo si weyn loogu faafiyay baraha bulshada iyo qaar ka mid ah warbaahinta maxalliga ah, ayaa tilmaamayay in xiriirro hoose oo aan rasmi ahayn ay u socdaan labada dhinac. Wararka qaar ayaa sheegay in dowladda Qatar ay dhex-dhexaadinayso labada dhinac. 

Sheekh Aweys ayaa shaaca ka qaaday in ujeeddada laga leeyahay faafinta wararkan ay tahay in lagu wiiqo kalsoonida shacabka, laguna dhabar-jabiyo hawlgallada militari iyo dagaalka dhanka fikirka ah ee lagu ciribtirayo kooxda.

“Mowqifka dowladda waa mid cad oo aan liicliic lahayn: waa in la burburiyo fikirka xagjirka ah, la wajaho khataraha argagixisada, lana sii wado hawlgallada amniga iyo ka-hortagga ee dalka ka socda,” ayuu yiri ergeyga.

Wuxuu intaas ku daray digniin culus oo ku aaddan in faafinta macluumaadka aan la hubin ay abuurayso jahwareer, isla markaana ay dabrayso horumarka ay sameeyeen ciidamada qaranka iyo shacabka garab taagan.

Sida uu sheegay ergeyga, shakhsiyaadka ka dambeeya faafinta wararkan dacaayadda ah ayaa leh dano gurracan oo ah inay khal-khal galiyaan amniga, isla markaana qaloociyaan guulaha laga gaaray dhismaha hay’adaha qaranka iyo awoodda difaaca dalka.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay meel uga soo wada jeedaan sidii looga adkaan lahaa Al-Shabaab, loogana hortagi lahaa fiditaanka xagjirnimada rabshadaha wata.

Ugu dambeyntii, Sheekh Aweys ayaa xusay in laamaha amniga iyo wasaaradaha dowladda ay si wadajir ah uga shaqeynayaan ilaalinta qarannimada iyo ka-hortagga afkaartaha halista ku ah dadaallada dowlad-dhiska.

Dowladda Soomaaliya ayaa muddo dheer ku adkeysanaysay in Al-Shabaab — oo ah koox xiriir la leh Al-Qaacida kuna eedeysan weerarro socday in ka badan 15 sano — lagu wajaho saddex waddo oo kaliya: cadaadis ciidan, dagaal dhanka fikirka ah, iyo curyaaminta ilaha dhaqaalaha, beddelkii lala geli lahaa wadahadal. 

- Advertisement -

Read more

Local News