Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee Hay’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo maanta soo saaray qoraal dheer ayaa weerar dhanka afka ah ku qaaday Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo siyaasad ahaan ay si weyn isku hayaan.
Fahad Yaasiin ayaa si xooggan u dhaliilay hoggaaminta Madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna xasuusiyay dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka, sida dadaalkii saldhigga Warta Nabadda Nabadda ee u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa mucaaradka.
Waxaa kale oo uu soo hadal qaaday dadka lagu xiray Muqdisho iyo khilaafka dowladda federaalka iyo Jubbaland, gaar ahaan dadaalkii ka dhacay Raaskambooni.
“Madaxweyne Xasan Sheekh, muddo xileedkiisii hore inta guri ee uu ku beegsaday siyaasiyiin wuu ilaaway. Sanadkan kaliya weerarkii Wardhiigleey ee lagu dilay ilaalada madax hore wuu hilmaamay. Wasiirkii hore ee Awqaafta ee uu xiray dorraad iyo odayaashii dhaqanka ee uu xabsiyada u taxaabay ma xusuusto. Weerraradii Jubaland lagu qaaday ee looga soo adkaaday kama warqabin ayuu leeyahay Madaxweynuhu. Ilowsha dhawaa!” ayuu qoraalkiisa ku yiri Fahad Yaasiin.
Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Tan ugu daran ee uu ilaaway waa ciidankii uu kala qaybiyay ee dowladdii jirtay uu Mirinaayo u soo fariistay”.
Agaasimihii hore ee NISA oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay arrintan doorashada, wuxuuna Madaxweynaha ugu baaqay inuu ilaaliyo waqtiga doorashada, si uusan u dhicin dib u dhac sababi karo qalalaase siyaasadeed oo gudaha dalka ah.
“Madaxweyne, fadlan halka qodob ee muhiimka ah inaadan ilaawin waa waxa ku sugaya 16ka May 2026, haddii aad heshiis la’aan xafiiska sii fadhido” ayuu mar kale yiri.
Fahad ayaa inta badan weerara Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha, waxaana qoraalkiisii ugu dambeeyay uu ku beegsaday Xamza Cabdi Barre, isagoo kula taliyay in uu mansabkiisa ku badbaadiyo dalka, sida ra’iisul wasaareyaashii ka horeeyay, uuna xayndaabkii wada-ogolka kusoo celiyo Madaxweyne Xasan, balse haddii uu taas kari waayo uu xilka iska casilo.
Si kastaba, Fahad Yaasiin ayaa hadda qayb ka ah xisbiga Midowga Haybad Qaran oo ay ku mideysan siyaasiyiin magac iyo saameyn ku leh siyaasadda gudaha Soomaaliya, waxaana musharrax ay ka dhigteen Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

