28.2 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Maaliyadda Mareykanka oo billowday tallaabo ka dhan ah xawaaladaha Soomaalida

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) — Xoghayaha Maaliyadda Maraykanka, Scott Bessent, ayaa Jimcihii shaaca ka qaaday in waaxdiisu ay diiradda saarayso shirkadaha xawaaladaha iyo adeegyada lacagaha lagu diro ee ay isticmaalaan qoysaska Soomaaliyeed si ay eheladooda u taageeraan.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah cadaadis xooggan iyo baaritaanno la xiriira musuq-maasuq oo maamulka madaxweyne Trump uu kusoo rogay jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota.

Madaxweyne Donald Trump ayaa muddooyinkii dambe si gaar ah u beegsanayay qurba-joogta Soomaaliyeed ee Minnesota, isagoo adeegsanaya ciidamada socdaalka iyo fulinta sharciga, isla markaana jeediyay hadallo is-daba-joog ah oo lagu bahdilayo bulshadaas.

Trump ayaa ku tilmaamay gobolka “xarunta dhexe ee falalka lacag-dhaqidda iyo wax-is-daba-marinta,” in kasta oo aysan jirin caddaymo buuran oo taageeraya sheegashadaas culus.

Go’aankan cusub ayaa qeyb ahaan salka ku haya kiisas musuq-maasuq oo dhowaan soo shaac-baxay, gaar ahaan fadeexaddii hay’adda aan faa’iido-doonka ahayn ee Feeding Our Future.  

Hay’addan ayaa lagu eedeeyey inay lunsatay lacago loogu talagalay raashinka iskuullada xilligii cudurka safmareenka ah (COVID-19), iyadoo xeer-ilaaliyayaashu ay ku qiyaaseen lacagta kiiskaas ku luntay illaa $300 oo milyan, taasi oo dadka lagu eedeeyey in ay xadeen u badan yihiin Soomaali. 

Xoghaye Bessent ayaa daliishaday warbixin ay qortay jariidada City Journal oo u janjeerta dhanka midigta fog ee cunsuriyiinta, taas oo sheegtay in lacagaha canshuur-bixiyayaasha ee laga lunsaday barnaamijyada dowladda ay u gacan-galeen kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.  

Hase yeeshee, warbixintaas ayaa soo xigatay ilo-wareedyo aan la magacaabin, mana jirto wax caddayn rasmi ah oo loo helay eedeymahaas. Sidoo kale, xeer-ilaaliyayaasha federaalku ilaa hadda cidna kuma soo oogin dacwad la xiriirta taageero argagixiso oo kiiskan la xiriirta.

Bessent ayaa qoraal uu Jimcihii soo dhigay baraha bulshada ku sheegay in Waaxda Maaliyadda ay dhowaan soo saari doonto amar cusub. Amarkaas ayaa faraya shirkadaha xawaaladaha ee lacagaha u dira Soomaaliya inay soo gudbiyaan “hubin dheeri ah” iyo macluumaad la xiriira dhaq-dhaqaaqa lacagaha.

Waxaa hawlgalkan ka qeyb qaadan doona hay’adda Financial Crimes Enforcement Network (FinCEN), oo ah garab ka tirsan Waaxda Maaliyadda una qaabilsan la-dagaallanka dambiyada maaliyadeed sida lacag-dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada.  

Sidoo kale, Waaxda Canshuuraha (IRS) ayaa baaritaan ku sameyn doonta shirkadaha lagu eedeeyey wax-is-daba-marinta.

“Intaas waxaa dheer, shaqaalaha Waaxda Maaliyadda ayaa hadda ku sugan goobta, iyagoo si adag uga shaqeynaya sidii loo soo saari lahaa xaqiiqada jirta,” ayuu hadalkiisa kusoo xiray Bessent. 

- Advertisement -

Read more

Local News