Daawo Video: Qaraxii ka dhacay Nairobi oo dad badan ay ku dhinteen.

Inta la ogyahay 7 qof ayaa ku dhimatay 10 kalana dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii walxaha qarxa lala beegsaday mid ka mid ah gawaarida dadweynaha ee “Mini-Bus” loo yaqaano oo maraayay xaafadda Soomaalida u badantahay ee Islii, magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya, gaar ahaan Section One.

Madax booliska Nairobi, Moses Nyakwama, ayaa xaqiijiyay in qaraxa oo aan la aqoon waxa rasmi ahaan sababay, dhimashada 7-da qof iyo dhaawaca 10-ka qof ee hadda lagu daweynaayo cusbitaallada.

Moses, ayaa intaas ku daray in aysan wali ogeyn cidda ka dambeysay weerarka iyo nuuca uu ahaa intaba, balse ay baaritaan billaabeen.

Qaraxa kadib ayaa gabi ahaan dukaamada ganacsiga Soomaalida la xeray markii dad ka careysan qaraxa ay weeraro kusoo qaadeen Soomaalida iyo ganacsigooda.

Ciidamada booliska oo goobta gaaray, ayaa baaritaanno billaabay, iyagoo kala eryay dadkii kacdoonka rabshadaha watay sameynaayay.

Qaraxyada bambada gacanta u badan, ayaa kusoo badanaayay Nairobi iyo Mumbasa tan iyo markii dhammaadka sanadkii hore ciidamada Kenya gudaha u galeen Soomaaliya.

Jimcadii, qarax ka dhacay Mumbasa ayaa dhaawacay 4 qof oo askari ku jiray.

Halkan ka Daawo Qaraxa

By, Ibrahim Gedow Awale (Biibbo), Nairobi_Kenya, Injineerka3@hotmail.com