Bonucci: Juventus waa inay Talaadada garaacdaa Chelsea.

Leonardo Bonucci ayaa rumeysan inay Juventus waajib ku tahay inay garaacdo Chelsea marka ay labada koox habeenka talaadada ku kulmaan Talyaaniga.

Old Lady ayaa hal dhibic ka dambeysa Blues iyadoo Shakhtar Donetsk ay hugaamineyso [Group E] oo ay kaga jiraan Champions League xilli laba kulan ay  ka hartay.

Daafaca halbowlaha dhexe ee Bianconeri ayaa qaba inay qasab ku tahay inay helaan sedaxda dhibcood ee kulankaan, wuxuuna meesha ka saaray in kooxda Roberto Di Matteo ay micno gaar ah u yeelaneyso kulankii ay guul daradu kasoo gaartay West Brom Sabtidii.

“Hada waxaan ka fikireynaa wax ku saabsan Chelsea, waqti xaadirkaan ma ahan tijaabada ugu muhimsan. Waxaan dooneynaa inaan ka weyb galno wareega xiga ee Champions League,” ayuu daafacaani u sheegay saxaafada.

“Guul darro ayaa Chelsea sabtii lasoo gaartay West Bromwich Albion, laakiin taasi ma ahan mid xaalka wax ka bedeleysa. Habeenka talaadada waxaan garoonka u geleynaa inagoo ka fikireyna guul oo keliya.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada – Mogadishu.