Man United oo dooneysa Mats Hummels iyo Lars Bender.

Manchester United ayaa dooneysa inay laba ciyaaryahan kasoo qaadato Horyaalka Jarmalka waana Mats Hummels iyo Lars Bender.

Sir Alex Ferguson ayaa u diray walaalkiis Martin, oo ah madaxa wakiilada wax u indha-indheeya, si uu labada ciyaaryahan usoo daawado kulankii xulkoodu uu barbaraha goolal la’aanta ah la galay xulka Holland arbacadii, sida uu qoray wargeyska Daily Mirror.

Waxaana looga soo weriyey akhbaar fiican laba ciyaaryahan, tababaraha United ayaana diyaar u ah inuu 50 milyan oo ginni Old Trafford ugu soo dhaqaajiyo labadaan ciyaaryahan ee 23 jirada ah.

Hummels ayaa daafaca wadnaha uga ciyaarayey Borussia Dortmund iyadoo kooxdu difaacatay Horyaalka laba sano, halka uu Bender qadka dhexe ee weerarka uga ciyaaro Bayer Leverkusen. Labada ciyaryahan ayaa midkiiba kooxdiisu ku qiimeysaa 25 milyan oo ginni.

Hummels ayaa shan sano oo heshiis cusub ah qalinka ku duugay intii lagu jiray xagaaga, laakiin waa arin in la ogaado u baahan hadii uu doonayo inuu ka ciyaaro Premier League.

Bender ayaa isaga laftiisu laba sano qandaraaskiisa ku kordhiyey bishii March wuxuuna Leverkusen kula jiraa qandaraas ku eg ilaa 2017ka, laakiin looma maleynaayo inay taasi xakameyso xiisaha uu Ferguson u qabo inuu xagaaga kusoo kaxeysto.

Ferguson wuxuu doonayaa inuu mar kale iska dhiso daafaca, iyadoo Rio Ferdinand uu sii duqoobayo halka Nemanja Vidic dhaawacyo hareeyeen sanad kale.

Wuxuu heystaa Chris Smalling, Jonny Evans iyo Phil Jones, balse Hummels waxaa loogu tiirsanaadaa inuu yahay difaac sare iyadoo lala barbar dhigo halyeeygii Germany Franz Beckenbauer.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada – Mogadishu.