Chelsea oo rabta Suarez hadii ay hesho tababare Guardiola.

Chelsea ayaa dooneysa Luis Suarez, waxayna ka dhaqaajin karaan gegeda Anfield hadii ay gacanta kusoo dhigaan tababare Pep Guardiola, sida uu qoray wargeyska Sunday People.

Wakiilka Suarez ayaa ah nin la dhashay Guardiola oo lagu magacaabo Pere, Liverpool ayaana dagaal ugu jirta inay ceshato xidigaan reer Uruguay.

Milkiile Roman Abramovich ayaa doonaya tababarihii hore ee Barca Guardiola inuu ka dhigo macalinka xiga ee Blues, waxaana lala xiriirinayaa Suarez iyo weeraryahanka Atletico Madrid Radamel Falcao kuwaas oo la rumeysan yahay inay Chelsea wadada u geli doonto Janaayo.

Laakiin wararka ayaa xittaa sheegay in Jose Mourinho uu jeclaan lahaa inuu mar kale macalin u noqdo Chelsea xilli ay gabadhiisa Tita Koolej ka dhigayneyso magaalada London.

Tababare Mourinho ayaa weli xiriir fiican kala dhexeeyaa Abramovich iyadoo loo tixgelinaayo inuu kusoo laabto Premier League, inkastoo uu Real Madrid ku faraxsan yahay. Laakiin taageeyaasha Chelsea ayaa qorshe fiican u arka Guardiola hadii kooxda lagu soo biirinaayo Suarez.

Manchester City ayaa sidoo kale dooneysa xidigaan balse Chelsea ayaa uga sara mari doonta dhinaca mushaarka hadii ay suuqa geeyaan Fernando Torres.

Liverpool ayaa xidigaan ku xiri doonta 50 milyan oo ginni Abramovich ayaana bixin doona lacagtaas.

Guardiola ayaa ku jira sanadkii uu ka nasanaayey kubada cagta laakiin People Sport ayaa cadeysay in sideed koox ay xiiseynayaan marka lagu daro City.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada — Somalia.