Degmada Wadajir oo looga qaxayo lacag nooc cusub ah oo shacabka lagu soo rogay

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka degmada Wadajir ayaa kusoo rogay shacabka xaafadaha dagmadaasi lacag baad ah oo u dhaxeysa 50-100 dollar, lacagtan oo lagu sheegay mid diiwaan-galin dadka ah, taasi oo ka fajicisay dadweynaha ku nool degmadaas.

Xiriiro aan la sameynay maamulka gobolka Banaadir waa ay iska fogeyna in ay wax ka ogyihiin balse wax ka qabasho la’aanta maamulka ee arrintan ayaa abuureysa shaki ah inay wax kala socdaan, waana arrin ugaar ah degmada Wadajir oo aan ka jirin degmooyinka kale.

Aroorta hore ee subixii ayaa ku arkeysaa xaafadaha degmada Wadajir kooxo hubeysan oo dharcad ah oo wata gaari Saarif ah, oo haweynka iyo caruurta ku guraya baabuur kadib marka ay awoodi waayeen bixinta lacagahaas.

Xogo kala duwan ayaa sheegaysa inay jirto shirkad qandaraas kusoo qaadatay mushruuca tirinta dadweynaha xaafadaha Wadajir, taasi oo heshiis lacageed la gaartay maamulka degmada.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli dalka uu ku jiro xaalad kala guur ah, waan waqtiga inta badan lacagaha ay sameysaan mas’uuliyiinta gobolka Banaadir iyo degmooyinka.

Mid ka mid ah dadka danyarta ah ee dagmada oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in xaaskiisa oo xaamilaha hortiisa lagu watay, ayada oo muddo lagu hayastay xarunta dagmada ka hor inta aan damiin lagu soo dayn.

Muwaadinkaan ayaa sheegay in aysan awoodin 50 dollar, waxa uuna ka codsaday maamulka Gobalka Banaadir in ay arrintaan wax ka qabtaan, iyaga oo tixgilanaya bisha barakeeysan iyo duruufaha abaaraha iyi sicir bararka isugu jira ee ka jira dalka. 

Lacagaha ayaa loo qaadayaa sida tan guryaha jiingadda oo ah 30 dollar, filooyinka 50 dollar iyo dabaqyada oo ah 100 dollar.

Dadweynaha degmada aya horay u bixiyay lacaga lagu sheegay dariseyn oo gaareysa 32-dollar taas oo lagu tirikoobayo guryaha, waxaa kaloo qasab ah in qofkasta oo degaya guri cusub iyo milikiilahaba ay bixiyaan lacaga uu dhaxeya 20-50 dollar.

Maamulka ayaa sidoo kale adeegsanaya xeelad uu lacago laaluush ah ku siinaayo idaacado iyo shaqsiyaad baraha bulshada caan ka ah, si aysan cabashada dadweyna banaanka ugu bixin.

Dadka degmada ayaa u sheegay Caasimada Online inuu degmada qax ka billowday kadib markay isku darsameen dhibaatada ciyaal weerada iyo lacagaha baadda ah.

Arrintaan ayaa kusoo beegmeysa xili ay dadweynnaha Degmada Wadajir ay la daalaa dhacaayaan amni darro baahsan oo xilliyada habeeynkii oo ciyaal weero ay dadka guryaha ugu galaan.

Qoysaska qaar ayaa kuu sheegaya inay u guurayaan xaafadaha aysan dowladda ka talin sida Xamar Jadiid madaama dowladii ay dhibaata kala kulmayaan.

Guryaha degmada Wadajir ayaa laga qaadaa 2 canshuur, mid waa sanadle oo degmada qaadato, midna waa 6 biloodle oo wasaaradda maaliyadda ay qaadato, taasi oo aan wax adeeg ah loogu qaban shacabka, waxaana hadda loogu daray lacago baad ah oo gaaraysa 50-100 dollar.