Xubnaha guddiga FEIT ee gaaray Garbahaarey oo shaaciyey qorshe xasaasi ah

Garbahaarey (Caasimada Online) – Waxaa shalay magaalada Garbahaarrey ee xarunta gobolka Gedo gaaray xubno ka tirsan guddiga hirgelinta doorashooyinka Soomaaliya ee heer federaal iyo kan xallinta khilaafaadka.

Xubnahaas ayaa sheegay in ujeedada ay halkaasi u tageen ay tahay qiimaynta ah in ay magaaladu diyaar u tahay in doorasho lagu qabto iyo sidii doorashada kuraasta baarlamaanka ee taalla magaaladaas loo qaban lahaa.

Arrintan ayaa timid iyadoo ay soo baxayso kala qaybsanaan guddiga FIET dhexdiisa ah, xilli guddoomiyaha guddiga doorashada heer Federaal iyo xubno la socda ay ku sugan yihiin magaalada Kismaayo iyagoo doonaya in kuraasta Garbahaarrey taalla lagu qabto magaalada Ceelwaaq.

“Annagu waxaan nahay guddiyada hirgelinta doorashooyinka ee FEIT iyo xallinta khilaafaadka. 6 xubnood oo guddiga FEIT ah iyo 4 xallinta khilaafaadka ka socda ayaan ku gaarnay magaalada Garbahaarrey,” ayuu yiri Cabdiweli Maxamuud Cilmi oo ka mid ah xubnaha guddiga doorashooyinka ee tagay magaaladaas.

Cabdiweli oo maaliyadda u qaabilsan guddiga FEIT ayaa sheegay in iyagu ay is xilqaameen, isla markaana ay ku dedaalayaan in kuraasta Gedo aysan ka harin doorashada guddoonka baarlamaanka oo lagu wado inay dhawaan dhacdo.

“Go’aankii 14-kii bishan lagu sheegay inuu ka soo baxay guddiga FEIT ee lagu shaaciyay in lagu wareejiyay deegaan doorashadii labaad ee Jubaland looguna wareejiyay Ceelwaaq ma ahayn go’aan rasmi ah oo guddiga ka soo baxay, mana jirin guddi inta uu farriistay go’aan ka qaatay arrintaas. Guddigana awood uma laha in deegaan sharci ah uu bedalo,” ayuu yiri Cabdiweli.

Waxa uu sidoo kale sheegay in isla ay billaabeen qaban-qaabada doorashada ay rabaan inay ku qabtaan Garbahaarrey, sida ugu dhaqsaha badanna ay u soo saari doonaan jawdalka doorashada.