Doorashada kursiga HOP154 ee Sareedo oo dib loogu laabanayo + Jadwalka

Baydhabo (Caasimada Online) – Guddiga SEIT ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa war cusub kasoo saaray doorashada kursiga HOP#154 ee Golaha Shacabka Soomaaliya, kaas oo ay horey ugu soo baxday Sareeda Maxamed Cabdalla, balse uu diiday guddiga doorashooyinka ee heer federaal.

Qoraal kasoo baxay guddiga doorashada ee Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu sheegay in dib loogu noqonayo doorashada kursigan, si loo waafajiyo habraaca doorashada dalka.

“Gudiga Hirgelinta Doorashooyinka DGKGS SEIT waxa uu shaacinaya Jadwalka Qabashada Doorashada Kursiga Hop-154 si loo waafajiyo Habraaca Doorashada guud ee Dalka,” ayaa lagu yiri warqad kasoo baxay guddiga maamulka doorashada ee Koonfur Galbeed Somalia.

Sidoo kale qoraalka guddiga ayaa lagu sheegay in diiwaan-gelinta xubnaha musharixiinta iyo lacag shubista ay tahay 20-bishan April ee sanadka 2022-ka.

Guddiga ayaa  sidoo kale shaaciyey in ugu dambeyn doorashada la qabanayo 21-ka bishan, si looga faa’iideysto waqtiga la heesto ee ka haray dhammeystirka doorashooyinka dalka.

Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa horey ugu dhawaaqay in kursigaan oo ay ku guuleysatay Xildhibaano Sareedao uu ku celisay yahay, waxba kama jiraana ay tahay natiijada kasoo baxday.

Guddiga doorashada ayaa sidoo kale hore u sheegay in gabadha la tartantay Sareeda aysan soo buuxin shuruudihii murashaxnimada qodobkiisa 3aad ee heshiiskii 1 Oktoobar 2020-kii.

Si kastaba, arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada oo Koonfur Galbeed ay horey uga timid in dib loogu laabto kuraasta uu ku celiyey guddiga FEIT, walow mar dambe xal laga gaaray.