Muqdisho: Degmo furun dagaal isku bedeshay

Muqdisho(Caasimada Online) – Waxaa maalintii labaada Degmada Hodan gaar ahaan Xaafada Soona key isku horfadhiya ciidamo kawada tirsan Dowlada Federaalka ah ee Somalia kuwaasi oo qarka u saaran inay wada dagaalamaan.

Ciidamadaani ayaa isku horfadhiya Suuq yare ee ku yaala Xaafada Soona key, waxaana la sheegayaa in ciidamadaasi iyo kuwo kasoo horjeeda ay isku hayaan dhismooyin halkaasi ku yaalla.

Ciidamada Dowlada ayaa doonaaya in halkaasi ay ka saaran qoysas iyo ciidamo kale oo deegaan ku ah Xaafada Soona key, halka ciidamada kale ay diiden in laga saaro goobahaasi.

Labada ciidan ayaa Xaafada Soona key soo dhigay gaadiid farabadan oo qoloba qolada kale ay isaga difaaceyso, waxaana laga cabsi qabaa in halkaasi uu ka dhasho dagaal qaraaran oo u dhexeeya ciidamada Dowlada.

Ciidamada qaar ayaa garab ka heysta dadka shacabka, waxa ayna dadku yihiin kuwo guryahooda kala soo baxay hub ay sheegen inay isaga difaacayaan ciidamada Dowlada.

Lama oga sida uu xaalku noqon doono, waxaana suuragal ah in halkaasi uu ka dhaco dagaal uu dhiig badan ku daato.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com