Xog: KENYA oo billowday boob nooc cusub ah!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Kenya ayaa lagu soo waramayaa in boob cusub ay ka bilowday deegaanada hoostaga Gaarisa kadib markii ay amar adag kusoo rogtay in laga guuro goobo farabadan oo ay calaameysatay.

Xildhibaan Cabdi Qaadir Aadan oo laga soo doorto degaanka Malabala ee Gaarisa, ayaa sheegay in Dowlada Kenya ay sheegatay boosas farabadan oo ay leeyihiin Soomaalida kasoo jeeda Waqooyi Bari Dalka Kenya waxa uuna sheegay in shacab farabadan lagu amray inay ka guuraan guryahooda si looga dhiso saldhigyo militery.

Cabdi Qaadir Aadan waxa uu sheegay in Dowladu ay qeybisay warqado ay ku xalaaleysaneyso boqolaal dhul ah oo ay leeyihiin qoysas Soomaali ah, waxa uuna tilmaamay in Saraakiisha Militeriga qaarkood ay ku doodayaan in boosas ay ku leeyihiin degaanka Malabala ee Gaarisa iminkana ay u baahan yihiin in looga guuro.

Wuxuu sheegay in boobka uu ka kooban yahay laba waji wajiga koowaad uu yahay in dhulalka qaar ay leedahay Dowlada loona baahan yahay in laga guuro, halka wajiga labaad uu yahay in Saraakiisha qaar ay ka faa’iideysanayaan boobka lagu hayo Soomaalida islamarkaana ay sheeganayaan deegaanka ay ku dhex leeyihiin guryo hadda ay u baahan yihiin.

Waxaa uu sheegay in gudaha magaalada aysan Dowladda ku lahayn Saldhig hore,sidaa darteedna loo baahan yahay in Shacabka laga difaaco qaar ka mid ah Saraakiisha Milatariga oo isku dayaya in dhul Shacab ay ku qaataan si aan waa faqsaneyn Sharciga.

Xildhibaanada dhigiisa ah ayuu ugu baaqay in xilka loo doortay ay ku difaacaan Soomaalida laga xoogaayo guryahooda waxa uuna arrinkaani ku tilmaamay boob sharci daro ah.

Wuxuu tilmaamay in Saraakiisha boobka wada ay ka gudbiyeen dacwad, islamarkaana Todobaadka soo socda ay maxkamad la tiigsan doonaan Saraakiisha ku lugta leh boobka dhulka Shacabka.

Dacwad waliba ee la gudbiyo ayuu sheegay inaysan wax muuqda kasoo bixi karin balse loo baahan yahay in arrintaani ay kusoo biiraan Xildhibaanada kale.

Dhinaca kale, Saraakiisha iminka laga gudbiyay dacwada ayaa boob ku qaatay dhul gaaraya 40km oo isku wareeg ah oo ay shacab Soomaali ah degnaayen waxaana la sheegayaa inay ku doodayaan in dhulkaasi uu yahay milkiyadooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com