Qorshihii Galeyr ee Xasan Sheekh oo billowday

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in madaxweynaha maamulka Khatoumo Cali Khaliif Galeyr uu wado qorsho uu isaga horgeynaayo madaxweyne Xassan, Xildhibaanada iyo xubnaha kale ee kasoo jeeda dhulka Khaatumo ee ka tirsan DFS.

Cali Khaliif ayaa madaxweyne Xassan Sheekh u adeegsanaaya Xildhibaano miisaan ku dhex leh Siyaasada Somalia kuwaasi oo ololo adag ugu jira sida Xasan Sheekh uu ku aqoonsan lahaa maamulka Khatoumo.

Galeyr ayaa ka duulaaya ballanqaad uu dhawaan ka helay Xasan Sheekh kaasi oo la xiriira in aqoonsiga iyo garabsiinta maamulka ay tahay mid ku xiran heerka uu gaarsiisan yahay heshiiska ka dhexeeya beelaha halkaasi wada daga.

Galeyr ayaa iminka juhdi adag ku bixinaaya sida uu ku aqoonsan lahaa madaxweyne Xassan Sheekh, waxaana xusid mudan in taageero buuxda uu ka heysto tirro mas’uuliyiin kale oo ka kala tirsan Xukuumada Somalia iyo aqalka looga arrimiyo dalka ee Villa Somalia, kuwaasi oo la sheegay inay lid ku yihiin Siyaasada Somaliland.

Mas’uuliyiinta qaar ayaa madaxweyne Xassan ku cadaadinaaya in maamulka Khatoum laga dhex saaro maamulada Puntland iyo Somaliland oo qeybo kamid ah maamulkaasi kala sheeganaaya, waxa uuna qorshaha mas’uuliyiintaasi yahay in Somaliland la kala jaro si loo qafiifiyo awooda ay u adeegsaneyso DFS.

Dhawaan ayaa la filayaa in kulan gaar ah uu madaxtooyada Somalia ku dhexmari doono madaxweyne Xassan oo Jawaab ka sugaaya mas’uuliyiinta Khatoumo kuwaasi oo uu hogaamin doono madaxweyne Cali Khaliif.

Geesta kale, Ujeedka is araga mas’uuliyiintaasi ayaa lagu saleeyay mid uu madaxweyne Xassan Sheekh ku miisaamayo miisaanka Khatoumo iyo heerka uu gaarsiisan yahay baahiyaha Siyaasiyiinta halkaasi ka soo jeeda ay u qabaan helida maamul la ictiraafsan yahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com