“Haddii Koonfur Galbeed ay isku daydo weerar, waxaan ka dul dageynaa Baydhaba” Waxaa yiri…

Ceelbarde (Caasimada Online) – Maamulka Bakool sare ee dhawaan laga dhisay degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool ayaa ka hadlay qorshe xubno ka tirsan maamulka koofur Galbeed ku doonayaan iney ku tagaan magaalada Ceelbarde iyo deegaanada laga sameeyay maamulka Koofur Galbeed.

Axmed Sheikh Mashruuc, madaxweynaha maamulka Bakool sare oo warbaahinta la hadlay ayaa ka digay in xubnaha ku sugan degmada Xudur ay tagaan deegaanada maamulkiisa iyaga oo aan wax amar ah ka heysan maamulka degmada Ceelbarde.

Axmed Mashruuc, ayaa sheegay in maamulkiisa uu marar badan isku dayay ka hor inta aan la dhisin iney ka mid noqdaan maamulka Koofur Galbeed oo marar badan la isku dayay in maamulka Koofur galbeed ka helaan xaqa maamul iyo xubnaha ay ku lahaayeen maamulkaasi.

Wuxuu tilmaamay in maamulkiisa uu hadda doonayo iney xaqiijiyaan amaanka deegaanada uu ka taliyo ayna adkeeyaan amaanka dhanka xuduudaha ah ee u dhaxeeya maamulada Bakol sare iyo Koofur galbeed, sida uu hadalka u sheegay.

“Annaga haddii ay isku dayaan iney aqbaar la’aan kusoo galaan Ceelbarde iyo xuduuda aan leenahay waxaan u sheegay walee inaan ka dul dageyno Baydhabo iyo magaalooyin kale, annaga xuduud baan leenahay bilaa ogeysiisna la iska soo gali karo”ayuu yiri Axmed Mashruuc.

Wuxuu amaanay ciidamada dowlada Ethiopia ee ku sugan deegaanada Bakool isaga oo sheegay ineysan ka shaqeyn isku dirada dadweynaha gobolka wada oo ay ka shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa deegaanada gobolka, waxaa sida uuhadalka u dhigaye.

Caasimada Online
Xafiiska Bakool
Caasimada@live.com