“Naceybka ay abuureen Puntland iyo Jubaland, Daarood ayaaa ka shaleynaya 2016” Waxaa yiri…

London (Caasimada Online) – Axmed Guuleed oo ka mid ah aqoonyahanada kaoso jeeda Puntland ee degan magaalada London ayaa ka digay wax uu ugu yeeray daan-daansiga Puntland iyo Jubaland ee ka dhanka ah Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo maamulkiisa.

Aqoonyahanka ayaa dhaliilay maamulka Bakool Sare ee Puntland iyo Jubaland ay gadaal ka riixayaan ee loo dhisay in lagu carqaladeeyo maamulka Shariif Xasan.

“Walaalahey Jubaland iyo Puntland, waxa ay wadaan waa aniga unbaa wax ah, waxay horey u carqaladeeyeen maamulka Galmudug, maantana waa Koonfur Galbeed, taasna waa wax caddaawad badan iyo naceyb u abuuraya dadka magaca Daarood ku abtirsada” ayuu yiri Axmed Guuleed.

Axmed Guuleed, waxa kale oo uu sheegay in tani ay saameyn weyn ku yeelan karto in qof kasoo jeeda beesha Daarood uu madaxweyne ka noqdo dalka Soomaaliya.

“Labadii madaxweyne ee u dambeeyey waa Hawiye, Puntland iyo Jubaland waxa ay rabaan in madaxweyne xiga uu noqdo Daarood, balse sida ay wax u wadaan, taasi ma dhici doonto, ayagaana mas’uul ka” ayuu yiri.

“Ma dhici doonto in xildhibaan Hawiye u codeeyo qof Daarood ah, xiisad ayaa horey uga dhex jirtay Puntland iyo dadka kasoo jeeda waqooyiga Soomaaliya (Somaliland), maantana waxay caddaawad ku abuureen dadka Digil iyo Mirifle, marka side ayey codad ku heli doonaan?, tani way ka shalayn doonaan” ayuu yiri.

Aqoonyahanka ayaa sheegay in isaga uu qabo in cabashada dadka Ceelbarde ay tahay mid sax ah, balse ay muhiim tahay in wada-hadal lagu dhameeyo oo aan la carqaladeyn maamul dhisan.

Caasimada Online
Xafiiska London
Caasimada@live.com