26.8 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Deni iyo Karaash oo kulan xasaasi ah ku leh Garoowe

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gudaha magaalada Garoowe ayaa sheegaya in haatan Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Karaash uu kulan xasaasi ah uga socdo xarunta baarlamaanka ee magaaladaasi, kadib markii ismimada maamulkaasi ay ku guuleysteen inay isu-keenaan.

Kulankan ayaa ah mid lagu dhex-dhexaadinayo labada adhinac, si ay xal uga gaaraan khilaaafka xoogan ee muddooyinkii la soo dhaafay u dhexeeyey.

Isimada Puntland oo markasta u istaaga xalinta khilaafka madaxda sare ee maamulkaasi ee haatan xalinta wada ayaa waxaa ka mid ah, Islaan Ciise Islaan Maxamed, Garaad Saleebaan Garaad Maxamed,  Boqor Cabdullaahi Axmed Cali Daba-gooye, Ugaas Maxamuud Cabdullaahi Ciise Nuur iyo Suldaan Siciid Maxamed Garaase, kuwaas oo dhex-dhexaadinaya mas’uuliyiintaasi.

Sida qorshuhu yahay waxaa kulanka hadda socda lagu soo afjari doonaa khilaafka hareeyey Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi oo maalmihii u dambeeyey si aad ah looga hadal hayey deegaanada maamulkaasi.

Khilaafka labada nin ayaa bannaanka yimid kadib markii 14-kii bishan May uu madaxweyne kuxigeenka ka soo horjeestay magacaabista taliyaha iyo taliye kuxigeenka madaxtooyada Puntland oo uu magacaabay madaxweyne Deni. Mudane Karaash ayaa sheegay in aan lagala tashan magacaabistaasi.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa toddobaadkii hore sheegay in khilaafkooda uu gaaray heer aysan hadda saalanta iska qaadin labadan mas’uul oo ku wada shaqeeya dhismaha madaxtooyada Garowe.

- Advertisement -

Read more

Local News