Wasiiro ka tirsan Somaliland oo laga helay Coronavirus

Hargeysa (Caasimada Online ) – Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa shaacisay in wasiiro ka mid ah xukuumadda Muuse Biixi laga helay cudurka Covid-19.

Warbixin ka soo baxday wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in labo wasiir laga helay xanuunka, kadib markii lagu sameeyey baaritaano caafimaad.

Sidoo kale wasaaradda ayaa sheegtay inay jiraan wasiiro kale oo Coronavirus laga baaray, balse laga waayey cudurka.

Wasiirka maalgashiga Somaliland, Mudane Maxamed Axmed Cawad oo ka ka mid ah mas’uuliyiinta cudurka laga helay ayaa sheegay inuu isku arkay calaamadaha Covid-19, kadib qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka, wuxuuna xusay inuu is-karantiilay.

Cawad ayaa intaasi ku daray in xaaladdiisa caafimaad ay wanaagsan tahay, islamarkaana uu ku jiro xaalad go’doon ah, si uusan feyruska ugu gudbin bulshada.

Somaliland ayaa ka mid ah meelaha uu sida daran u saameeyey cudurka saf-mareenka ah ee Covid-19 oo fara ba’an ku haya qeybo badan oo ka mid ah dalka.