Madaxweyne in yar dib noo celi

Madaxweyne, iga ogolow inaad wax yar i raacdo. Adiga oo raalli ah bal soo kac. Askarta iyo shaqaalahaagaba waan ka tagaynaa. Annaga oo maanta joogna ayaan safar gaaban shalay ku booqanaynaa. Waan ogahay inay howl badan kuu taal. Ha ka walwalin ma soo daahayno. Dhaqso waan soo laabanaynaa.

Waxaad suuraysataa adiga oo jooga 2016. Xaggeed taagan tahay hadda? Ma qolka fadhiga ee gurigaaga? Ma meel Hotel ah oo aad rag kula showrayso? Mase baabuur ayaad keligaa ama adiga iyo qoyskaaga saaran tihiin? Kolleyba madaxtooyo ku ma jirtid. Kolleyba xafiiska bannaankiisa dad tiro badan oo inay kula kulmaan raba kuu ma taagna. Kolleyba shaqaale jadwalkaaga kala hagaya oo waqtiga aad quraacanayso iyo xilliga aad shaaha cabayso kuu kala sheegaya ma kula joogaan. Haa, waan hubaa in dharka aad hadda wadato aad gacantaada ku soo gashatay, ama ugu badnaan carruurtaada ama xaaskaaga qiimaha badan ay qaanadda kaaga soo saareen. Shaki iiga ma jiro in uusan kula joogin qof kuu qaabilsan xiritaanka iyo hagaajinta garabaatiga iyo suudka aad wadato.

Ii sug oo ha na dhaqaajin aan wax yar halkeenna ku nasanee. Bal istus madaxtooyada Soomaaliya saacaddaan sida ay u taal iyo waxa yaal. Waxaa ku jira nin wax walba oo aad adigu gacantaada ku samaysatay ay isaga dad carbisan oo caabboon u sameeyeen. Waa nin aanan adiga kaa oday iyo itaal roonayn. Waa nin, sida adiga, siyaasi ah oo in uu meesha uu hadda joogo yimaado u soo galay tartan aad adigu hore u gashay, hadda ka dibna aad gali doonto. Mudane, aan hal su’aal ku weyddiiyo. Sannadka soo socda maxaad ku hamminaysaa? Isla aniga aan jawaabta kaa boobee, waxaan u malaynaa inaad inta ila yaabtay, niyadda iska leedahay “waxaan ma waalan yahay. Maxay tahay su’aasha rakhiiska ah ee uu kuula yimid. Ma oga miyaa inaad tahay musharrax madaxweyne oo doonaya inuu sannadka soo socda ku fadhiisto kursiga ugu sarreeya dalka?!”

Waa run inaad musharrax tahay. Waxaa kale oo run ah in kursiga aad u ordayso ay sidoo kale u ololeynayaan dad badan oo uu xitaa ku jiro ninka hadda ku fadhiya. Su’aal kale aan kugu celiyee, ka warran haddii tartanka baas ee kursiga loogu jiro la iska dhaafo, oo ninka ku fadhiyo loo daayo? Maya maya, ha igu xanaaqin su’aal keliya ayaan ku weyddiiyay wax kale ma samaynine. Waa rune, maxaan horta tartan iyo dhibkiisa ka falaynaa? Muxuu dalkaan uga baahan yahay isbedbeddel joogta ah oo aan xasillooni wax lagu maamulo lahayn? Ka warran haddii aan madaxweynaha hadda jooga ka ogolaanno baaqiisa ah “Qabyo Ninkeedaa Dhammeystira”, oo aan ugu faataxayno in dib loogu doorto kursiga, si uu u dhammeystiro howlaha qabyada ka ah? Ma igu diidday? Ma waxaad i leedahay “nin wax qabyeeyay dhammeystir ka ma rabno, ee ha na dhaafo.” Ma waxaad i xasuusinaysaa in isbeddelka hoggaanka, qabashada doorasho caddaalad ah iyo xukun-isku-dhiibkaba ay yihiin dhaqanno wanaagsan oo ay dowladnimadu ku bullaasho? Waan kugu raacay intaasba, ee na wad aan dib kuugu celiyo xafiiskaagii madaxtooyada ee aan kaa soo waday. Marti badan ayaa ku sugaysa ee na dedeji bal. Waa kan xafiiskaagiye gal. Nabadgeliyo.

Mudane waa aniga oo kugu soo laabtay. Waxaan illoobay inaan kuu sheego hal arrin oo markaan kaa tagay ka dib igu soo dhacday. Madaxweyne, meeshi aad joogi jirtay rag ayaa hadda jooga, oo meesha aad hadda joogto u soo socda. Haddii aadan dheeraad wanaagsan ku soo kordhin karin, xikmadda ugu yar ee ay dadkaasu kaa mudan yihiin waa intii aad adigu ninkii meesha kaaga horreeyay ka muteysatay oo ahayd “ha la ila tartamo, si aan u haysto ama la iiga helo!”

Wax aanan shalay adiga ku qaban, maanta dad ha u quurin. Wax aanad shalay adigu qaadan lahayn, maanta lagaa ma qaadan doonee.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid