Muqdisho waa magaalo la wada deggan yahay waasa la kala leeyahay (Faaallo)

Maqaamka Banaadir ay yeelanayso lagalama tashanaayo niman kayimid :- Gibilleey, Garoowe, Caabudwaaq, Kismaayo iyo Ceel-barde.

Lama waydiin doono nin aan kasoo jeedin Banaadir aayaheeda, ma goyn karo maqaankeeda, xaq uma lahan, waana riyo maalmeed kuwa ku haasaawaaya in maqaamka Muqdisho ay iyagu sameyn karaan.

Sharci uma lahan nin deegaankii uu lahaa maamul iyo astaan usameystay in uu warbaahinta kayiraahdo dhaxalkii Muqdisho qaybteeda wax ku leeyahay.

Dastuurka Kmg ee noo yaalla xittaa waxaa kaweyn jiritaanka dadkii lahaa dhulkaan ee dulqaadnimada ku aqbalay in umadda Soomaaliyeed leyskugu keeno, ee ogolaaday in kaligood canshuur laga qaado, ee ogolaaday in ganacsigoogada wixii laga canshuuro lagu dhiso gobolllada dalka.

Muqdisho waa noolyihiin dadkii lahaa, waana meel ku caan ah in laga muuniyo midnimada Soomaaliyeed in ay muqaddas tahay, waa goobtii ogolaatay wadajirka iyo wada noolaashaha dhamaan shacabka Soomaaliyeed, waa goobta kaliya ee aan leheyn in nin Soomaaliyeed lagu heyb sooco.

Banaadir waa magaalo ka ilbaxsan magalooyinka kale ee dalka ee dadkeeduna aaminsan yihiin jiritaanka dowladnimada Soomaaliyeed.

Muqdisho ma aqbali doonto keeyga anigaa leh, kaagana kula lihi, waana muhiim in aan fahamkaa ay wada yeeshaan dallaaleeyda rabta in ay wax duudsiiso dad soo jeeda.