Deni iyo Qoor-Qoor oo ka wada-hadlay xiisada Mudug

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni)  ayaa faah faahin ka bixiyey wadahadal uu la yeeshay dhiggiisa maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor).

Siciid Deni ayaa sheegay inay ka wadahadleen isaga iyo Madaxweyne Qoor-Qoor sidii wadajir looga shaqeyn lahaa arrimaha amniga magaalada Gaalkacyo ee caasimadda gobolka Mudug.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay isla soo qaadeen xalinta xiisadaha beeleed ee ku soo laalaabta deegaano ka tirsan gobolladaasi.

Madaxweyne Qoor-qoor waxa aynu kawada hadalnay Xasiloonida Gobolka Mudug, waxa aan ballanqaadnay in aan xakameyno dhankeena, waa in laga gudbaa aanada iyo aarsiga oo ah dhibaatada ugu weyn ee abuurta xasiloonida darada oo iyanna sababta colaad, waxa aan ogahay in dadka ay ku dhex jiraan shaqsiyaad aan nabad rabin, balse waa in gacan adag lagu qabtaa. ” ayuu yiri Madaxweynaha maamulka Puntland.

Sidoo kale wuxuu baaq u diray waxgaradka Mudug, isaga oo ka dalbaday inay kala shaqeeyaan sidii loo xalin lahaa xiisadaha ka jira gobolkaasi.

Ugu dambeyn Madaxweyne Deni ayaa uga mahadceliyey Madaxweynihii hore ee Galmudug, Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) iyo Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) nabadeynta ay ka wadaan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.