Waare oo lagu eedeeyey inuu lunsaday lacagtii Beledweyn

Beledweyne (Caasimada Online) – Iyadoo wali la is weydiinayo sababta aysan reer Beledweyne u helin lacag dhan 500 kun Dollar oo ay Dowladda Federaalka ee sanadkii hore ballan qaaday markii ay Beledweyne qaabishay fatahaadaha wabiga, hadana waxaa soo baxaya warar kala duwan oo arrintaas ku saleysan.

Xildhibaan ka tirsan Dowladda Federaalka, isla markaana deegaan doorashadiisa ay tahay HirShabelle ayaa Madaxweynaha maamulkaas ku eedeeyay inuu leexsaday lacagahii ay dowladda u qoondeysay iney ku caawiso dadka reer Beledweyne.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ah mudane ka tirsan Baalarmakaanka Federaalka ayaa wareysi uu siiyay mid ka mid ah TV-yada Soomaalida ugu baaqay madaxweynaha inuu hor yimaado dadweynaha, islamarkaana uu caddeeyo halka ay lacagtaas ku baxday.

Dhawaan ayey aheyd markii Guddiga Gurmakad Beledweyne ay sheegeen ineysan wali helin kaalmadii ay dowladda Ballanqaaday iyo sidoo kale kaalmooyinkii Jabuuti iyo Shiinaha.

Sida la hubo dowladda waxey dadka reer Beledweyne ugu yaboohday Nus Malyan Dollar, Jabuuti ayaa ballan qaaday lacag dhan 600 kun Doolar, Dowladda China ayaa iyaduna  yaboohday lacag dhan 1.5 Malyan oo Dollar.

Dhamaan lacagahaas, oo ay raacsan tahay 100 kun oo Dollar oo ay Maamulka Gobolka Banaadir ballan qaadeen, ayaan la ogeyn halka ay ka baxeen iyadoo Beledweyne ay mar kale wajaheyso cabsi laga qabo fatahaadaha wabiga Shabelle.

“Maxaa [madaxweyne Waare] looga baahan yahay markaa? Inuu Tv-ga fadhiisto oo uu si cad uga hadlo,” ayuu yiri Jeesow.

Guddiga Gurmadka Beledweyne waxey bilaabeen olole ay kaga hortagayaan fatahaadda Wabiga, waxaana kaliya gaaray kaalmo kaga timid Puntland, waxaana la fahamsan yahay ineysan ku filneyn dhaqaalahaas.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka waxey wajaheysaa eedeyn kulul oo ku saabsan ineysan mar walba ku dhiiran isla xisaabtan dhab ah marka uu dalka wajaho xaalado dabiici ah.

Waxaa wali aamusan maamulka HirShabelle oo aan ka jawaabin eedeynta ay wajahayaan, sidoo kale Dowladda kama hadlin arintaan maadaama la is weydiinayo lacagahaan halka ay ku dhaceen.

Ugu dambeyntii waxaa la sugayaa cidda ay lugaha la gasho arintaan iyadoo Hirshabelle ay wajaheyso xaalad siyaasadeed oo kale maadaama aan wali lagu heshiin habka xulista xildhibaanada cusub.