Somaliland oo u hanjabtay jaamacado iyo dugsiyo dib u furay waxbarashada

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa si adag uga hadashay Jaamacado iyo Dugsiyo qaarkood oo dib u furay waxbarasahada, xili gebi ahaanba fasax la galiyay waxbarashada deegaanada Somaliland, si looga hortago faafitaanka cudurka safmarka ah ee Coronavirus/Covid-19.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi oo maanta la hadlayey warbaahinta ayaa sheegay in talaabo adag oo sharci ah ay ka qaadi doonaan Goobaha waxbarasho ee dib loo furay, kuwaasi oo qaarkood ay Imtixaanadii ka qaadayeen ardeydooda.

Madaxweynaha ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in la iska indho tiro halista cudurka Coronaha oo hal meel la iskugu keeno arday badan, midaasi oo noqon karta fursad uu kusii fido Coronavirus.

Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in aan dib loo furi doonin Goobaha waxbarashada ilaa inta ay dhakhaatiirtu xaqiijiyaan in hoos u dhacday halista cudurkaasi, oo u muuqda mid gebi ahaanba deegaanadeeda si weyn ugu baahay.

Biixi ayaa Maamulka Jaamacadaha iyo dugsiyadaasi ku tilmaamay kuwo lamid ah dadka sida qarsoodiga ah usoo galiya Qaadka, kuwaasi oo la kulma xukuno adag oo ciqaab ah, maadama ay jabinayaan go’aamo kasoo baxay guddiga ka hortaga iyo u diyaar-garowga cudurka Coronavirus.

Somaliland ayaa marba marka ka dambeysa usii dhawaaneysa halista weyn ee cudurka Coronaha, iyada oo aysan dadkeedu ku baraarugsaneyn cudurkaasi, xili ay furan yihiin goobihii ay iskugu imanayeen dadweynuhu.