Deni oo beesha caalamka u gudbiyey walaac la xiriira doorashada Soomaaliya

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Wafdi isugu jira Qaramada Midoobey, Midowga Europe, Midowga Africa iyo IGAD, kuwaasi oo uu hoggaaminayo ku-xigeenka wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, Raisedon Zenenga.

Madaxweyne Deni ayaa wafdiga la wadaagay aragtida Puntland ee ku aadan xaalada kala guurka ah ee uu wajahayo dalku, isla markaana ay u dhici laheyd doorasho xor iyo xalaal ah oo aan dib u dhac ku iman, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Puntland.

Wuxuu ugu horeyntii xusay in doorashada meel fog laga keenay, iyada oo u dambeysay heshiiskii 17-kii bishii 9-aad lagu gaaray magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu soo saaray habraacyo loogu tala-galay in lagu fududeeyo in xiligeeda ay ku dhacdo doorashadu.

“Wuxuu ahaa kulan wakhti fiican qaatay, Dowladda Puntland waxay la wadaagtay sidii looga gudbi lahaa marxaladda lagu jiro, sidii loo heli lahaa Doorasho xor iyo xalaal ah oo lagu kalsoonyahay, oo sharciyad wanaagsan dalka u yeelata,” ayuu yiri Deni.

Waxa uu intaas kusii daray “Dabcan howlo badan baa lasoo qabtay muddadii u danbeysay, heshiiskii 17-kii bisha 9-aad lagu galay Muqdisho Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Madaxda Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ay kuwada galeen, Baarlamaanka labadiisa Aqal ansixiyeen iyo kii u danbeeyay ee ku saabsana habraacyo loogu talagalay in lagu fududeeyo in doorashadaasi ku dhacdo.”

Deni ayaa walaac ka muujiyey in si dhameystiran aan loo maareyn hanaanka doorashada oo xiligan ay ka dhiman tahay bilooyin kooban, isagoona sheegay inuu rajeynayo doorasho wakhtigeeda ku dhacda oo kalsooni lagu wada qabo, isla markaana ay ku wada qanacsan yihiin saamileyda siyaasadu.

“Wixii tabasho ah oo ka jira qodobada qaarkoodna waxaan rajeynaya in laga wada gudbi doono, Puntland-na marwalba kaalinta ay ku leedahay dowladd dhiska Soomaaliya ay qaadan doonto, aragtiyaha xalka lagu heli karona waxaan la wadaagnay madaxda maanta nasoo booqatay waxaan rajeynayaa inta dhimana in wakhtigeeda ay munaasabka ku tahay aan ka hadli doono.”

Madaxweynaha Puntland oo u muuqda mid iska dhowraya inuu si adag uga hadlo xaalada dalka oo xiligan laga deyrinayo, ayaa dabacsanaan xoogan ka muujiyey mowqifka ku aadan muranka doorashoyinka, halka madaxweynaha Jubbaland oo hore isku mowqif uga ahaayeen doorashada uu si adag ugu digay dowladda federaalka.

Si kastaba, waxa muddooyinkii dambe muran baahsan ka taagna doorashooyinka dalka, gaar ahaan guddiyada doorashooyinka oo ay qaadaceen mucaaridku, halka ay weli ku madax adeygayso xukuumaddu, taasi oo abuurtay xiisado hor leh oo ka taagan magaalada Muqdisho.